Sir Fakatay: Dowladda Norway Oo 16 Milyan Oo Doolar Ku Bixineysa Soo Xareenta Ciidamada Goobweeyn Iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo $ 8 Milyan Oo Doolar Loo Balan Qaaday.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka ay sida hoose ku heleyso warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Norwey ay ku bixineyso 16 Milyan oo doolar si loo soo xareeyo ciidamada ku sugan Goobweeyn ee duleedka magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in lacagtan 16 Milyan oo doolar ah ay ku heshiiyeen qaadashadeeda Cabdiweli Sheekh Axmed oo qaadanaya 8 milyan oo doolar, halka 8-da kalena ay qaadanayaan Danjiraha IGAD Maxamed Cabdi Afeey iyo maleeshiyada Beeshiisa ee Raaskambooni.

Dowladda Norway ayaa Lacagtan waxa kaliya oo ay ku bixineysaa in ciidamada Goobweeyn dib loogu soo cesho gudaha magaalada Kismaayo.

Xog ogaal ku sugan gudaha Villa Somalia ayaa waxa uu warbaahinta Allgalgaduud Media u xaqiijiyay R/wasaare Cabdiweli haddii uu ku guuleeysto in uu soo xareeyo ciidamada fariisimaha ku leh duleedka magaalada Kismaayo uu si toos ah u qaadanayo 8 milyan oo doolar.

Dadka badankii ayaa teer iyo shalay waxa ay isweeydiinayeen maxaa ka qaldan R/wasaare Cabdiweli Sheekh balse xaqiiqda ayaa ah sida caadada u ah siyaasiyiinta Soomaalida , waxa ka qaldan R/wasaare Cabdiweli Sheekh majiraane ee R/wasaare Cabdiweli Sheekh xaalkiisu waa ($$$ DOOLAR) Aragti ayaa inaga dhaxeysa.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiweli Sheekh iyo xukuumadiisa iyagoo aan dhameeysan 6-dii bilood ee ugu horeeysay ayaa durbaba waxaa soo baxaya HIRAR Siyaasadeed oo ka dhan ah, waxaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ka dhan ah ay ka socdaan gudaha magaalada Muqdisho, sida muuqatana Cabdiweli Sheekh waa uu ku fashilmay Siyaasada Soomaaliya.

wali

GANACSIGA SAAXIIBTINIMO IYO EHELNIMO MIDNA MALAHA.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com