Dhageyso: Aqoonyahan Axmed Maxamuud C/Salaam Oo Ka Warbixiyay Qorshaha C/wali Sh Axmed uu u tagay Kismaayo. “Wareysi Xiiso leh”

0

Minneapolis(AGGM): Raisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed Max’ed ayaa waxaa uu Maalmahan ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Booqashada Raisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo baxaya Siyaabo kala Duwan,ayadoona Wararka Qaar ay sheegayaan Rw C/wali Sh Axmed uu Kismaayo ka wado Qorshe lagu Weerarayo Ciidamada Ku sugan Duleedka Magalada Kismaayo ee Kismaayo kula Dagaalamay Maleeshiyada Axmed Madoobe.

Aqoonyahan Axmed Maxamuud C/salaam oo ka mid ah aqoonyahanada ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa Warbaahinta Galjuba wareysi uu siiyey waxaa uu ku sheegay in Qorshaha C/wali uu yahay mid aad looga Xumaado.

Waxaa uu Sheegay Axmed Maxamuud C/salaam in Raisul wasaaraha laga sugayey in uu isku keeno Dadka ku Dagaalamay Magaalada Kismaayo, laakiin uu Dhanka Maleeshiyada Axmed Madoobe la Saftay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi Xiiso Badan Aqoonyahan Axmed maxamuud C/salaam

  http://hagenews.com/wp-content/uploads/2014/04/Wareysi-Siyaasi-Axmed-Maxamuud-cabdi-salaan.mp3

Isha ku hay Allgalgaduu Media

Allgalgaduud@gmail.com