Deg Deg:- Qarax ka Dhacay Caawa Isgooyska Barkaaraha

0

Muqdisho(AGGM):Qarax Xoogan ayaa Caawa ka dhacay Isgooyska Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,waxaana Qarax lagu Xiray Baalayaasha Cadceeda ku Shaqeeya.

Qarxa ayaa Waxaa ku Geeriyooday Labo Ruux Mid ay Haweeneey aheyd,waxaana ku Dhaawacmay Tiro kale  oo Shacab ah.

Wararka laga helayo Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Xaalada Cabsi ah ay Caawa ka jirto Isgooyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Marar Farabadan ayaa Qaraxyo Nuucaan oo kale ah,waxaa lagu qaaday Baalayaasha Ileyska Qoraxda ku shaqeeya ee Maamulka Gobolka Banaadir uu Muqdisho ka Hirgaliyey.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com