21 Guuradi Qisadii Dhexmartay Nabadoon Quule Warsame Angar Iyo Nabadoon Aaden Bare, Ayaa Maantana Mid La Mid Ah Kismaayo Ku Dhexmartay Col. Bare Hiiraale Iyo Dr. Cabdiweli Sheekh.

0

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Magac Iyo Musiibaba Maalin Ayay Baxaan) anoo taa ulla jeeda taariikhda waa maharto oo qof walbaa baalkuu isagu doonayo ayaa looga qoraa, Allay Lahe maanta waxaan oran karaa waa sanadguuradii 21-aad ee ka soo wareegtay qisadii dhexmartay Nabadoon Quule Warsame Angar iyo Nabadoon Aden Bare.

Taariikhdu kala wanaagsane ninba baalkuu galaase looga qoraa haduu dayaxa tagay iyo haduu dhulkaba jooge amaba Wanaag Iyo xumaan kuu doonoba ha sameeyee, Allay Lahe maanta soo leeysma oran karo Ninbaa booskii ku haysta Nabadoon Aaden Bare taariikhduu dhigay 21 sano ka hor, islamarkaana maanta dib usoo nooleeyay Taariikhdi dadku ka bogsadeen.

Soose lama oran karo 21 sano ka dib qisadaa magaalada Baardheere ku dhexmartay Nabadoon Quule Warsame Angar iyo Nabadoon Aaden Bare waxay iyada oo aan waxba ka duwaneen maanta ka dhex taagan tahay Col. Bare Aden Shire Iyo Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed, yaase garanaya waxay ku kala duwan yihiin labadan taariikhood ee baalka taariikhaha Sade galay?

Aan ku hormaree labadan taariikh uunbaa waxa ay ku kala duwan yihiin waa sidaan isleeyahay’e Nabadoon Quule Warsame Angar iyo Nabadoon Aden Bare Qisadoodu waxay ka dhacday magaalada Baardheere, halka qisada Col. Bare Hiiraale iyo Dr. Cabdiweli Sheekh-na ay maanta ka taagan tahay magaalada Kismaayo, labadan qiso uunbaa ku kala duwan deegaanada ay ka kala dhaceene, balse waxba kuma ay kala duwana ee qof walboow qalinkaaga iyo buugaaga deg deg intaad u soo qabsato ku qoro oo yeysan ku dhaafin waa taariikh muhiim ah oo soo noq noqatay’e.

Gabogabadi waxaa nasiib daro ah dadku markay qiso ama taariikh buuga u gashaa haddii ay wanaagsan tahayna waa ay sii socotaa, haddii ayse xun tahay taariikhdaas dadku waxay ka taxadaraan inaysan dib dambe ugu dhicin amaba u qabsan, anoo xurmeenaya ogna Allaah Subxaanahu Watacaalaa inuusan simin Caqli Adoomihiisa, ayaa haddana waxaan aaminsanahay in dadku leeyihiin Culumaa’udiin, Waxgarad iyo Aqoonyahano aad iyo aad u tiro badan oo run ahaanti sidoo kale aad iyo aad u sharaf iyo xurmad badan meel fogna wax ka arka, bal intaan talax tagin aan ka wardhoowro Xurmadleyaashaas waxay ka falaan taariikhdan soo noq noqotay ayaan ku gaabsanayaa.

Afeef: Qoraalkan u fahan sida uu u qoran yahay, ee ah kaftanka Gobeed iyo Taariikhaha dhacay ee mar labaadna maanta taagan, ha u fahmin sidaad adiga jeceshahay iyo mala awaal aan jirin oo cidlo ah, qofkaan fahmin qoraalkana Jaalle laguu fasiri maayo. (Dadku Waa Siman Yahay, Wadada Toosan Ee Xalaasha Ahna Ruuxii Ka Leexdaa Fartaa Lagu Fiiqayaa).

bare iyo xiirane

Maxamed Saciid Cali (Aloow Dhagax Cirka Ka Soo Daadi)
Email:msali@gmail.com
Nairobi, Kenya

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa Fikirka Qoraha Kama Turjumayo Fikirka Allgalgaduud Media, waxii amaan ah ama dhaliil ah kala xiriir qoraaga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com