Turkiga oo cambaareeyey shaqaale looga dhaawacay magaalada Muqdisho

0

War laga soo saaray wasaarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in dowlada dalkaasi ay si kulul u cambaareeyneyso weerar lagu qaaday shaqaale Turkisha ah oo wax ka dhisaayay safaarada cusub Turkiga ee magaalada Muqdisho habeenimadii Khamiista taasii oo keentay 2-kamid ah shaqaalaheda ay ku dhawaacmaan.

Labada shaqaale ee Turkishka ah ee weerarkaasi lagu dhaawacay ayaa waxa lagu kala magacaaba Recep Keskin iyo Muhammed Yakup Saraç kuwaasi oo maalintii Jimcaha dhaawacooda loo qaaday Turkiga.

Warka laga soo saaray wasaarada arimaha dibada Turkiga ayaa loogu baaqay dowlada Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigto cidii ka dambeesay weerarkaasi lagu qaaday shaqaale Turkish ah oo wax ka dhisaayay safaarada Turkiga ee magalada Muqdisho.

Wasarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa balan qaaday in ay dowlada ay sii wadi doonto sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliya si nabad iyo horumar ay looga hirgalin lahaa dalka.

Safiirka Turkiga ee Muqdisho Kari Torun  ayaa sheegay Kari Torun  in aysan jirin weli cid ay ku eedenayaan weerarkaasi.

Bishii July ayay aheyd markii la weeraray dhismo ay daganaayen shaqaalaha Turkishka ee ku sugan Muqdisho.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com