Dhageyso:Taliska Ciidamada XDS oo Hanbalyo u diray Ciidamada Xooga

0

Muqdisho(AGGM):Munaasabada lagu weeyneenayo Aas aaska Ciidamada XGS ayaa Saaka ka socota Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya qaar kood.

Ciidamada XGS oo la Aas aasay Sanadkii 1960-tii ayaa maanta u dabaal dagaya  54 Sano guuradii ka soo wareeegtay Aas aas kooda,waxaana Munaasabada Dabaaldaga ay ka socotaa Magaalada Caasimada iyo Qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Taliyaha Ciidamada XGS Gen,Daahir Aadan Cilim”Idha qarshe”ayaa Hanbalyo u diray Ciidamada XGS iyo Caruurta iyo Xaasaskooda,uguna hanbalyey Munaasabadaan Qiimaha ku leh Ciidamada XGS iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamada XGS ayaa Wadooyinka Muhiimkaa  ee Magaalada Muqdisho Saaka Xiray,waxaana sidoo kale Wadooyinka loodiidaya isticmaalka Gaadiidka iyo Dad weynaha.

Munaasabada ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Madaxda Dalka Soomaaliya,kuwaa oo la hadli doona Ciidamada XGS oo maana u dabaaldagaya Aas  aaskii Ciidamada XGS.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka