Dhageyso: Xuska Maalinta Ciidamada Xoogga Dalka Oo Magaalada Muqdisho Ka Socta.

0

Muqdisho (AGGM):Waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabtay xarunta wasaarrada gaashaandhiga Soomaaliya munaasabada xuska maalinta aasaaskii ciidamada xoogga dalka, waxaana xiligan ku sugan xarunta wasaarrada mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud

Ciidammo fara badan ayaa lagu arkayaa qaybo ka mid ah jidka warshadaha oo hormara wasaaradda gaashaandhigga iyo jidka soddonka, inkatsoo waddooyinka Maka Al-mukarama iyo jidka wadnaha ay si caadi ah u shaqeynayaan.

12-ka Abriil sannad walba ayaa Soomaaliya laga xusaa maalinta xoogga dalka, iyadoo sannadkan ay noqonayso 54-guuradii kasoo wareegay aasaaska ciidanka xoogga dalka, waxaana xusas kala duwan ay ka dhacayaan guud ahaan dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo abaanduulihiisa ayaa sheegay in xuskan uu ka duwan yahay kii ka horreeyay maadaama lagu qabanayo xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya, iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan.

Xuskan ayaa waxaa lagu wadaa in ciidamadu ay kusoo bandhigaan dhoolla-tusyo ka tarjumaya tababarradooda iyo sida ay uga go’an tahay inay uga qaybqaataan xasilinta dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com