Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Gedo Kaliil oo sheegay in maamulka degmada Buurdhuubo la dhameystiray, kana digay abaabul dagaal oo la rabo in bulshada gobolka Gedo la’isaga hor keeno.

0

Buurdhuubo: Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in xaalada Amaan ee Gobolka Gedo ay tahay mid rajo badan ay ka muuqato, isagoo dhinaca kalena sheegay in maamulka loo sameeyey Buurdhuubo uu ka kooban yahay ilaa 9 xubnood, waxaana Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo loo magacaabay ayuu yiri Xasan Maxamed Cali (Xasan Yare), halka labada ku xigeena uu sheegay in ay kala yihiin Cali Mataan Cali iyo Sheekh Xuseen Gawracane.

Kaliil oo Wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanay siiyey warbaahinta Allgedo Online, isagoo ku sugan degmada Buurdhuubo ayaa waxaa uu Dowlada Federaalka ee Soomaaliya uu ku dhaliiley in ayan wax ka qaban adeegyada bulshada iyo dhinaca gargaarka ee howlaha balaaran ee Gobolka ka socda, isagoona sheegay dadka ku barakacay dagaalada ilaa iyo hadda in aysan jirin wax gargaar ah oo lala soo gaarey, halka Gobolada kale ee Dalka loo gurmadey.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi kaliil oo la wediiyey waxa uu kala socdo shirar iyo kulamo maalmahan dambe Muqdisho ay ku yeelanayeen qaar ka mid ah Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Jifooyinka Beesha SADE, loogana soo horjeedo maamulka uu madaxda ka yahay, lana doonayo in la bedelo, ayaa waxuu yiri “Waxa Muqdisho ka soconaya waan la soconaa, waana nidaam ku saleysan qabyaalad iyo is kooxeysi lagu kala qeybinayo Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo, lana doonayo in Gobolka looga abaabulo dagaalo sokeeye iyo qas, wadada ay ku socdaana ma waafaqsana shuruucda iyo nidaamka dalka u yaala, waana nidaam loogu adeegayo Maamulka Axmed Madoobe, mana u socon doonto aragtida noocaas ah ee qaldan ee ay iska dhaadhiciyeen.”

Kaliil ayaa shirarka soconaya waxuu la xariiriyey ujeedooyin siyaasadeed, isagoo raga howshan wadana ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen falal dilal ah oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa kale oo uu yiri “cidii madaxtinimo doonaysa waa in ay ku timaadaa rabitaanka shacabka, iskana daysaa si xun wax u raadinta iyo maskabka qaab qabiil lagu doonayo.”

Halkaan ka dhageyso Kaliil oo si kulul uga hadlay qorshe uu sheegay in la rabo in la’isaga hor keeno bulshada reer Gedo.

Halkaan ka dhageyso Kaliil oo sheegay in la dhameystiray maamulkii degmada Buurdhuubo iyo arrimo kale.

Cabdi Faarax, Muqdisho-Soomaaliya.

Source: AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com