R/wasaare Cabdiweli Sheekh Iyo Wafdi Uu Hoogaaminayo Oo Maalmaha Soo Socda Gaaraya Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ay maalamaha soo socda uu gaarayaan magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in booqashada R/wasaare Cabdi Sheekh aan la ogeeyn waxa ay salka ku hayso balse markuu gaaro magaalda Kismaayo la ogaan doono.

Dhinaca kale waxaan la ogeeyn in R/wasaare Cabdiweli Sheekh iyo Wafdigiisa ay booqan doonaan ciidamada fariisimaha ku leh duleedka Kismaayo ee isaga baxay magaalada Kismaayo kadib dagaalo culus oo dhexmaray iyaga iyo Ciidmaada Kenya oo gabaad u ahaayeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo Soomaalida ayaa waxa ay ku maah mahadaa (WAREER CAWO WAA LOO WAABERIISTAA) bal aanu dhoowrno booqashada R/wasaare Cabdiweli Sheekh iyo Wafdigiisa ku tagayaan magaalada Kismaayo iyo wararka kasoo baxa.

Warkan waxii kasoo kordha kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com