Mareykanka oo Maraakiibtiisa oga Digay in Dekedda Muqdisho ay u Dhawaadaan

0

Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa war cusub oo ay saartay waxay ku sheegtay inay uga digayso ciidamadeeda badda ee ku sugan badweynta Hindiya inay u dhawaadaan dekeda weyn ee Muqdisho sababtana waxay ku sheegtay inay halis xagga amaanka ah kasoo socoto.

Warkaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxaa lagu sheegay in xog la helay ay sheegayso in ururada Al-Qacida iyo Al-Shabab ay maleegayaan weeraro ka dhanka danaha reer galbeedka ay ku leeyihiin wadamo ku yaala geeska Africa, Bariga dhexe iyo wadamo kale.

Waaxdu waxay sheegtay inay ku amartay ciidamadooda badda iyo maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan biyaha Soomaaliya inaysan u dhawaan dekedda Muqdisho oo ay u jirsadaan ugu yaraan 200 mile iyo wax ka badan.

“Halis badan ayaa ka jirta biyaha Soomaaliya ciidamadeena badda waa inaysan xeebaha u dhawaan gaar ahaan Dekeda Muqdisho waana inay ugu yaraan u dhaafin masaafo dhan 200 oo mile “ ayaa lagu yiri warkaan Maraykanka kasoo baxay.

Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan gacan biyoodka Cadan inay feejignaan  muujiyaan oo ay aad ula socdaan dhaq dhaqaaqyada maraakiibta iyo doonyaha kusoo dhawaada.

Ugu dambeyn waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxay soo cusboonaysiisay digniinta ah in Al-Shabab ay weeraro ka geystaan wadamo ku yaala geeska Africa gaar ahaan wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo wadamo kale.

Isha ku ahyAllgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com