Horjooge Macalin Maxamed “Kenya Xaq Ayay U Leedahay In ay Ciqaabto Soomaalida Kenya Ku Nool.

0

Muqdisho (AGGM): Horjoogaha Arimaha Bulshada Maleeshiyo beeleedka Raskambooni Macalin Maxamed ayaa waxaa u markii ugu horaysay ka hadlay Howlgaladii Ciidamada Kenya ay ku bartilmaameed sadeen Somalida ku nool wadanka Kenya.

Macalin Maxamed oo la hadlayay Idacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay kenya Xaq u leedahay in ay howlgalo balaran ka sameyso gudaha wadankeeda gaar ahaan Xafada Islii.

Macalin Maxamed ayaa waxaa la waydiyay in Howlgalkaasi uu ahaa mid lagu bartil maameedsanayo Somalida ku nool wadanka kenya iyo hantidooda ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“Adeer dadka Soomaaliya gubay waa Soomaali dadka Kenya gubi rabana waa Soomaali, sidaas daraadeed dadka Soomaliyeed haday dhibka joojin wayeen Kenya xaq ayay u leedahay in ay ciqaabto” ayuu yiri Macalin Maxamed oo ku hadlayay afka Maamulka Kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd Markii Ciidamada Kenya ay Magaalada Nairobi ka fuliyeen howlgalo lagu bartil maamedsanayo Shacabka Somaliyeed iyo hantidooda waxaana howlgaladaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Siyaasiyiin iyo Aqonyahano somaliyeed waxaana Macalin Maxamed oo ku hadlay Magaca Maamulka Kismaayo u noqomaya Shaqsiga kaliyah ee so dhaweyay Howlgalkaasi.

macali maxamed21

Maxamed Cabdi Nuur
Muqdisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com