Dowladda Soomaaliya Oo Diiday In Dalka Gudihiisa Lagu Qabto Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Dowladda Kenya Iyo Dibadbaxyo Maanta Ka Dhacaya Dalka Dibaddiisa.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah magaalooyinka waa weeyn ee dalalka Yurub ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay ka dhacayaan dibadbaxyo looga soo horjeedo tacadiyada Waxuushnimada ah ee dowladda Kenya ay u geesanaynso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kadib marki Qurbajoogta Soomaaliyeed ay arkeen in Dowladda Soomaaliya ay dhoowr jeer oo hore is hortaag ku sameeyeen dibadbaxayaal ku sugan deegaanada ay maamusho dowladda gaar ahaana Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo doonayay inay ka dhiidhiyaan hoowlgalada waxuushnimada ah ee Ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha dalkaasi ee ka dhanka ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxaa Qurba-joogta goosatay inay dibadbaxyo balaaran ka dhigaan dalka dibaddiisa si ay u muujiyaan dareenkooda Wadaninimo.

Hoowlgaladan Waxuushnimada ah ee ka dhanka ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay ka wadaan Ciidamada Kenya gudaha Magaalooyinka waa weeyn ee Dalkaasi, ayaa waxaa waxyeelo dhan walba ah kasoo gaartay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee in mudo ah ku dhaqnaa dalkaasi Kenya.

Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ku eedeeyeen inay ku Qanacsan tahay raalina ka tahay falalka gabood falka ah ee lagu xalaleeysanayo Nafta iyo Maalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Garoomada kubada lagu ciyaaro ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan Soomaali ah oo isugu jira Rag, Haween Caruuur Iyo Waayeel oo laga soo qab qabtay guud ahaan xafadah magaalada Nairobi iyaga oo loo soo qab qabanayo oo qura WAA SOOMAALI.

Isku soo wada duuboo falalka gabood falka ah ee foosha xun ee loo geesanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay caado ka noqdeen gabi ahaan dalalka Caalamka haba ugu badnaadeen dalalka Afrika gaar ahaan Kenya, taa oo ay sabab u tahay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan haysan Hogaamiyeyaal Dhiiran (AAN GACAN KU RIMIS AHAYN) oo u diirnaxaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan.

KENYA IYADAA U BAAHAN SOOMAALIDA EE SOOMAALIDA UMMA AY BAAHNA KENYA.

black background

WAXAAD XAQ U LEEDAHAY CIDNA HA UGA XISHOON, QOF WALBAA OO DAMIIR LEH MAS’UULIYAD AYAA KA SAARAN INUU KA DHIIDHIYO WAXA KENYA UGEESANAYSO MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com