Dhageyso:Col. Cabaas Ibrahim Gurey “Fartaag waa nin Maqaar saar u ah Beesha Axmed Madobe”.

0

Muqdisho (AGGM): Col. Cabaas Ibrahim Gurey Abaanduulaha Ciidamadda dawladda ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta ayaa eedayn kulul disha uga tuuray Malayshiyo beeleedka Raaskambooni ee Hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo Gen C/laahhi Sheekh Ibraaciil Fartaag oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe.

Ugu horeyn wuxuu ka hadlay Cabaas Ciidamadda dawladda Soomaaliya hawlgalada ay ka wadaan deegaanada gobolka Gedo.

Dhanka kale wuxu soo hadal qaaday dhibaatooyinka dadka shacabka ah loogu geysanayo degmada Kismaayo isagoo sheegay aintaasi inay ka danbeeyaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Col, Cabaas General C.laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo lagu sheego inuu yahay Madaxwayne ku xigeenka waxa loogu yeero maamulka KMG ah ee Jubba kaasoo uu sheegay inuusan awood muuqata ku lahayn Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com