Daawo Sawirada: Dowladda Soomaaliya Oo Shacabka Dalka Gudihiisa U Diiday Inay Ka Banaanbaxaan Dhibaatada Lagu Hayo Soomaalida Ku Nool Kenya Iyo London Oo Maanta Lagu Banaanbaxay Safaarada Kenya.

0

London (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay shegayaan in maanta Soomaalida dalka UK ay ku banaabaxeen safaarada dowladda Kenya ee magaalada London.

Boqolaal ka mid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa waxa ay maanta dareenkooda Wadaninimo ku muujiyeen sida ay ugu danqadeen tacadiyada waxuushnimada ah ee ay dowladda Kenya u geesatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay mamnuucday amaba diiday in gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada ummada Soomaaliyeed ay ka dhacaan dibedbaxyo ay Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ku muujin lahaayeen dareenkooda wadaninimo iyo sida ay ugu danqanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee sida joogtada ah dowladda Kenya ay ugu geesanayso tacadiyada waxuushnimada ah ee ka dhanka ah Xuquuqda aadanaha.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka dacaladiisa gaar ahaan wadamada Afrika iyo dalalka Carbta ah waxaa si joogto ah loogu geeystaa tacadiyo aan marnaba galayn maskaxda qofka aadaanaha ah, mana ay laha dowladd dhowrta sharaftooda iyo xuquuqda muwaadiniinteeda.

Isku soo wda duuboo waxaan ilaaheey ka baryaynaa in ummada Soomaaliyeed quluubtooda isu soo duwo islamarkaana uu tuso cadowga duulaanka ku ah Dalkooda, Dadkooda Iyo Sharaftoodaba.

low

lon2 lon3 lon1

lok lok1

lon5

Filo Sawiro Dheeri Ah Hadduu Alle Idmo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com