Al-shabaab oo Duqeeyey Degmada Buurdhuubo

0

Buurdhuubo(AGGM): Kooxda Al-shabaab Al-Qaa’ida  ayaa Xalay Degmada Buurdhuubo ku Weeraray Tiro Hoobiyaal ah.

Degmada ayaa Xalay galinkii danbe waxaa ku soo dhacay ilaa 10 Madfac oo Magaalada ay ku soo tureen Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Khaasara Madaafiicda uu yaraa,waxaana ku dhaawacmay Labo Ruux oo Rayid ah,sida Allgalgaduud  ay u sheegeen dadka Deegaanka.

Sidoo kale Madaafiic ayaa ku dhacaday Guryo Dad rayid ah ay dagan yihiin,ayagoona aan geeysan Khasaaro Nafeed,marka laga Reebo Burbur Guryaha soo gaaray.

Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna iyo kuwa Dowladda ee Degmada Buurdhuubo ku sugan wali kama hadlin Weerarka Xalay lagu soo qaaday degmada.

Isha ku hy Allgalagaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com