Xisbiga Raila Odinka Ee ODM Oo Dalbaday In Ciidamada Kenya Laga Soo-saaro Magaalada Kismaayo.

0

Nairobi (AGGM): ODM oo uu madax u yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya ee Raila Odinka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Kanyatta inuu ciidankooda kasoo saaro gebi ahaan Soomaaliya, maadaama aysan muuqan wax faa’iido ah oo ugu jira dal ahaan.

Xisbigan ayaa hadalkooda ku sheegay in markii ay ciidanka Kenya galeen Soomaaliya oo sii kordhay weerarada laga fulinayo dalkooda, isla markaana ay geysanayaan kooxda Al-Shabaab. Sidoo kalana aysan muuqan waxqabad ay arrintaasi ka tari karaan ciidanka ka jooga Kismaayo.

” Ciidankeena Kismaayo jooga waxaan ka dalbanay madaxweyne Kenyatta inuu dib ugu soo celiyo xuduudeena, taasi ayaana dan ugu jirtaa dowladnimada Kenya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska ODM.

Shalay ayey aheyd markii Ralia Odinga uu si kulul u cambaareeyey falalka ay dowlada Kenya kula kacday Soomaalida deggan Islii, waxaana uu sheegay inuu howlgalkaasi ahaa mid si gaar ah wax loogu dhimayey qowmiyadda Soomaalida.

Xisbigan oo kuraas badan ku leh baarlamaanka Kenya ayaa hadda wada mooshin ka dhan ah ciidanka ka jooga dalkooda Soomaaliya, waxaase ay sheegeen in kasoo bixitaankooda Soomaaliya uusan noqon doonin mid magac dil iyaga ku ah islamarkaana aan magac siineyn kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii ciidanka Kenya ayey uga digeyn inay ku dhex milmaan siyaasadaha iska soo horjeeda ee Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan midda Jubbooyinka, taasi oo haddaba ay muuqato eedeynta loo jeedinayo dowlada Kenya sida ay ula kala safteen.

Dowlada uu hoggaamiyo Kenyatta ayaan wali arrintan ka jawaabin, waxaana sidoo kale ka hadlin dalabkan kasoo yeeray ODM xisbiga talada dalka haya ee uu hoggaamiyo Aden Barre Ducaale kaasi oo baryahan ay ku furan tahay dood uga imaaneysa xubnaha kale ee xisbigaasi, kuna dalbanaya inuu xilka guddoomiyenimo ee xisbiga ka dego.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com