Horjooge Axmed Madoobe “Waxaan Soo Dhisay Waxba Kama Jiraan, Beesha Caalamkana Waa Diideen”.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu u sheegay horjoogeyaashiisa inaysan waxba ka jirin waxuu sheegay inuu dhisay, beesha caalamkana ay ka biyo diideen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in horjooge Axmed Madoobe uu sameeyay gudiyo lagu sheegay inay kala yihiin Gudiga Dhaqaalaha, Gudiga Amaanka Iyo Gudiga Dib U Heshiisiinta.

Ilo wareed ku sugan magaalada Kismaayo oo u waramay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in meesha ay ka baxeen horjoogeyaashi loogu yeerayay Wasiiro.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa waxa kale oo uu si cad u sheegay in beesha Caalamka ay ka biyo diideen bataatanba waxa loogu yeeray golaha wasiirada Jubba, balse loo aqoonsan yahay oo kaliya horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale warar si hoose aanu ku helnay ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliyan Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ay dhawaan gaarayaan magaalada Kismaayo, balse warar faah faahsan lagama hayo waxa uu salka ku hayo safarka R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

Weli waxaa ka socda magaalada kismaayo tacadiyada ka dhanka ah dadka Rayidka sida Dilka, Xariga, Kufsiga iyo barakicinta baahsan ee sida bareerka ha loogu geesanayo  dadka ku sugan magaalada Kismaayo, waxaa shalay maleehsiyo beeleedka Raaskambooni ay dil toogasha ah ku xukumeen 4 nin oo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beesha Sade, sida la xaqiijiyayna weli ma aysan fulin xukunkaas waxuushnimada ah.

Isku soo wada duuboo waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa meesha ka sii baxaya Riyadii iyo Damaacigii foosha xumaa ee beenta ahaa ee horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana soo bidhaamaya dhabarjab baahsan oo soo gaaray Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni halka guul iyo gobanimo waarta ay u soo hoyanayso shacabka Jubbooyinka.

KISMAYO

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com