Dhageyso: Magaalada Caabudwaaq Oo Yeelatay Guddoomiye Cusub.

0

Caabudwaaq (AGGM): Golaha guurtida magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo ka kooban 33 xubnood ayaa maanta guddoomiyaha degamada ee maamulka dowladda Soomaaliya u doortay Cabdirsaaq Xasan Cawl Taakilo.

Maxamed Ciise Cadde oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay najiitada kaddib markii Cabdirsaaq Xasan Cawl Taakilo uu helay 17 cod oo ka mid ah 33-ka xubnood ee golaha guurtida oo codeeyay.

Musharraxa laga guulaystay oo lagu magacaabo Deeq Caabi Xasan oo helay 15 ayaa sheegay inuu aqbalayo natiijada doorshada uuna la shaqeyn doono maamulka cusub ee la soo doortay.

Guddoomiyaha cusub ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, isaga oo sheegay inuu ka shaqeyn doono nabadda deegaanka, isdhexgalka bulshada iyo wanaajinta xiriirka deegaannada deriska la ah.

Isku soo wada duuboo Bahda Warbaahinta Allgalgaduud Media, Maamulka Iyo Shaqaalaheeda ayaa waxa ay Hambalyo u dirayaan Gudoomiyaha cusub ee Magaalada Caabudwaaq Cabdirsaaq Xasan Cawl Taakilo, waxaa Alle Subxaanahu Watcaalaa uga baryaynaa in uu  u fududeeyo Mas’uuliyada uu qaaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com