Falaagada Argagixisada Ah Ee Al-Shabaab Oo Guri Ku Gubay Nin Waayeel Ah Deegaanka Dab-qurun

0

Ceelbuur (AGGM): Falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay maanta deegaanka Dab-qurun oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ku dishay nin oday ahaa oo ahaa qofka keliya ee joogay tuuladaas oo dadkii deggenaa ay uga barakaceen cabsi ay ka qabaan inuu dagaal ka dhaco.

Ninka odayga ah oo lagu magacaabi jiray Nuur Xeyle Dhicisow ayay falaagada arxanka daran ee Al-Shabaab ku gubtay gurigii uu ku noolaa, sida uu Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Galgaduud.

Intii aanay maleeshiyada argagixisada ah dilin ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo deegaankaas kormeeray waxay gaarsiiyeen gargaar isugu jiray cunto iyo dawo.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa horay uga digtay dadka deegaanka Dab-qurun inay qaataan gargaarka ay fidiyaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo ku hanjabtay inay dili doonto ciddii amarkooda jebisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com