Dhageyso: Col. Cali Xuseen Faarax (Cali Food) oo Xasuuqa Kismaayo ka Hadlay Eedeena u Jeediyey Axmed Madoobe

0

Muqdisho(AGGM):Xili Bulshada Soomaaliyeed ay Xasuuqa ka socda Magaalada Kismaayo islamarkaana ay Geeysanayaan Jamhada Raas kambooni ay hadal hayaan ayaa Waxa si kulul arintaasi oga hadlay Corneel Cali  Xuseen Faarax “Cali Food” oo ka mid ah Siyaasiinta Gobolada Jubooyinka ee ku nool Dalka Mareykanka.

Col. Cali Food ayaa sheegay in uu marka Hore Canbaareenayo Xasuuqa  Axmed Madoobe iyo Xulafadiisa ay Shacabka Reer Kismayo ku hayaan,waxaana uu sheegay in aan Indhaha laga qarsan Karin Xasuuqaasi Foosha Xun ee ay Sameenayaan Jabhadaha Raaskambooni iyo ONLF oo isbiirsaday.

Waxaa uu sidoo kale Eedeeyey Maamulka Degmada Dooloow oo uu ku Tilmaamay mid Fulinaya Amarada Maleeshiyada Axmed Madoobe islamarkaana Dhankooda ay Gobolka Gedo qeybo kamid ah ay ka Geeysanayaan Xasuuq Dhac iyo Kufsi intaba.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareeysiga oo Xiiso Xanbaarsan

Isha ku Hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com