Dhageyso+Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Oo Maanta Booqashooyin Ku Soo Kala Bixiyey Degmooyinka Bulo Burde Iyo Jowhar

0

Muqdisho (AGGM):Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Safiirka Djabouti u fadhiya dalka Soomaaliya, iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo BuuloBurde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii dhawaan ciidanka Dowlada iyo kuwo AMISOM ay ka xoreeyeen kooxaha nabad diidka ah.

Ugu horayn Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM sida geesiniamda leh oo ay uga xoreeyeeen kooxaha nabad diidka ah,  isagoona ka tacsiyeeyey ciidamadii iyo shacabkii ku dhintay qaraxii ka dhacay hotel ku yaal degmada Buulo Burde.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay saaka in ay Buulo Burde  nasiib u yeelatay in safarkii koowaad oo dalka gudihiisa meel ka baxsan Muqdisho aan ku tago inaan ku imaado Degmada Buulo Burde. Waxaan halkaan mar labaad tacsi uga dirayaa qooysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii iyo ciidamadii ku dhintay qaraxii ismiidamnita ahaa ee lala beegsaday Hoteel ay daganaayeen,”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo dhanka kalana xusay in Buulo Burde ay ahmiyad siyaasadeed iyo mid dhaqaale u leedahay dowladda Soomaaliya, in maanta ay noqoto meel xorr ahna ay macno weyn ugu fadhido bulsha weynta Soomaaliyeed

“Kooxaha Nabad diidka ah waa qaran dumis, waxayna habaabiyeen dhalin yaradii Soomaaliyeed, waxaana shacabka Buulo Burde uga fadhinaa in ay hormuud u noqdaan sidii Shabaab looga ciribtiri lahaa meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan gobolka. Maanta wixii ka danbeeyana  Buulo Burde waxay heli doontaa adeegyada dowlada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ee Buulo Burde  ayaa sheegay in ay ku jireen lixdii sano ee la soo dhaafay cadaadis, jirdil, caburin iyo dilal, wixii ka danbeeyey 12 bishii horana ay dareemeen in ay heleen xorriyad, Sidoo kale Odoyaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday dowladda in ay u soo celiso adeegyadii asaasiga u ahaa nolosha bani’aadamka, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo  in loo sameeyo ciidan Boolis iyo Nabadsugid ah si amaanka wax weyn looga qabto. Waxaana isla goobta ka hadlay Wasiirka Amniga Qaranka mudne Cabdikariin Xusein Guuled oo sheegay in si deg deg ah dib loogu howl galin  doono saldhigyadii ciidanka Booliska iyo Nabadsugida.

Sodoo kale Ra’iisuL Wasarha ayaa maanta duhurkii booqasho ku yimid magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe halkaas oo si weyn ugu soo dhaweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu hor kacayo maamulka gobolku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Maamulka Gobolka iyo Dhalinyarada, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixin doonto sidii shacabka ku dhaqan Degmada Jowhar u heli lahaayeen wixii dowlada uga maqan.

“Xukuumadu waa idinla joogtay, waxaa maanta idinku cusub waa  imaatinkayga, waxaana marar badan isaga soo daba noqoday gobolka Wasiiro ka tirsan Xukuumadayda, oo ugu horeeyo Wasiirka Beeraha oo ku howlanaa sidii dayactir loogu samayn lahaa Kanaalada waraabiya Beeraha, taas oo runtii ah talaabo wanaagsan oo ka turjumaysa himilooyinka Xukuumadda, waana wax lagu farxo ah in 23 sano kadib ay dowladu isu xilqaanto wax ka qabashada Kanaaladaas” ayuu yiri RW Cabdiweli oo dhanka kalana sheegay in Gobolka Shabellada dhaxe uu ka mid yahay halboolayasha dhaqaalaha dalka, laga maarmaana ay tahay in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii dib u dhis loogu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Xamar, iyo In la mooso meelaha ay biyuhu ka fatahaan xiliyada roobka.

“Xubin kasta oo Golaha Xukuumada ka tirsan waxaa uu imaan doonaa Jowhar, waana waajib qaran inuu qabto qaybta uga aadan horumarinta adeega bulshada, waana lagula xisaabtami Wasiirada sida ay ugu shaqeeyaan shacabka, Xukumadaydu ma noqonayso mid aan Muqdisho soo dhaafin, gobolka kasta waxa laga gaarsiin adeegyada asaasiga ah u bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay dadka Reer Jowhar in safarkaani ahayn kii koowaad, islamarkaan uu ugu imaan doono  safaro kale, si markasta shacabka ula qaybsado kalana tashado sida ugu haboon ee loo hormarin karo dowladanimada.

—DHAMAAD—

IMG_7386 IMG_7383 IMG_7380 IMG_7366 IMG_7365 IMG_7348 IMG_7301 IMG_7296 IMG_7276 IMG_7248 IMG_7247 IMG_7243 IMG_7239 IMG_7231 IMG_7220 IMG_7181 IMG_7168 IMG_7167 IMG_7156 IMG_7151 IMG_7147 IMG_7144 IMG_7378 IMG_7322 IMG_7249 IMG_7241 IMG_7187 IMG_7163 IMG_7145

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the PM

Mogdisho-Somalia

Media@opm.gov.so
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com