Daawo Sawirada: Golaha Wasiirada oo maanta dalbaday in la dar dar galiyo gargaarka la gaarsiinayo goobaha laga xoreeyey nabad diidka.

0

Muqdisho, April 10, 2014—–Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga dalka, dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Kenya, iyo gurmadka loo fidinayo dadka degan goobaha laga xoreeyey ururka Alshabaab.

Markii uu soo idlaaday kulan ayaa waxaa saxaafada la hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga welwel santahay dhibaatooyinka haysta muwaadininta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay ka walaac santahay dhibaatooyinka baaxadda leh ee haysta dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, waxaana qoraalo looga hadlayo dhibaatooyinkaas loo diray Hay’adaha ku shaqada leh ee dowladda Kenya, waxaana ka rajaynaynaa in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo food saaray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenku.

Dhanka kale, Golaha ayaa ku aammanay xildhibaanada Baarlamaanka sida ay uga dhiidhiyeen dhibaatooyinka ka haysata shacabka Soomaaliyeed qaadashada kaararka Aqoonsiga, iyadoo sidoo kale uu goluhu ku bogaadiyey Xildhibaanada baarlamaanka wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Xukuumadda.

Ugu danbayntii, Golaha ayaa ku baaqay in la dar-dar galiyo sidii gargaar bani-aadanimo oo degdeg ah loo gaarsiin lahaa dhammaan goobaha ay dowladu ka xoraysay kooxaha nabad diidka ah oo hadda gaaraya ilaa sagaal Degmo, waxaa sidoo kale Goluhu soo dhaweeyey booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Dr, Cabdiweli Sheekh Axmed uu saaka ugu amba-baxay magaalooyinka Buulo Burde iyo Jowhar, taas oo calaamad u ah sida xukuumada uga go’an tahay in ay la tashiyo la samayso bulshada qaybaheeda kala duwan .

—DHAMAAD—

wuu

wuu1

Abdirashid Musse 
Press Officer, Office of the PM 
Tel: 00252616318823 
Media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com