Akhriso:Miisaaniyaddii Dawladda ee 2013-ka iyo Kutalagalka Miisaaniyadda 2014-ka ee Baarlamaanka horyaala! Dakhliga Muqdisho oo wasaarado aan waxba qabanin loo qeybinayo.

0

Muqdisho (AGGM): Qoondaha Miisaaniyadda ee 2014-ka ee ka imaaneysa Canshuurta Muqdisho ee Wasaaradda Maaliyadda horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba loo qeybinayaa Wasaaraddo magac u yaal ah, iska daa in wasaaradahani shacabka Muqdisho wax u qabtaane, wasaarad kastaahi waxay shacabka Muqdisho u samaysaa Caqabad cusub, wax loogu yeero isdiiwaan gelin oo wasaarad kastaahi lacag ku qaadaneyso. Wasiir kasta ee wasaarad loo magacaabo wuxuu wasaaradda keenaa shaqaale beeshiisa ah, shaqaalaha wasaaradaha aqoon laguma keeno, Imtixaan kuma yimaadaan.

Qoondada Miisaaniyadda Dawladda Federaalka ee 2014.

1-Lacagta waxaa loo qoondeeyey wasaarado magac u yaal ah, wasaarad kasta waxaa lacag ku qaadanaya boqolaal shaqaale ah.

2-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya qoondadeeda waxay ku tala gashay in lacaguhu baxaan balse aan shacabka waxba loogu qaban.

3-Miisaaniyadda gebi ahaanteed waxaa ay ku baxaysaa Wasaarado, Hay’addo magac u yaal ah oo aan shaqeynin sida Hay’adda Saadaasha hawada, Hay’adda xuquuqul insaanka, Hay’adda Fanka, Hay’adda, Guddiga xadeynta xuduudaha Federaalka, Guddiga Dib u heshiisiinta qaranka.

4-Miisaaniyada Madaxtooyada, Xafiiska Raisul wasaaraha, Dhamaan wasaaradaha waa mushaar shaqaale, iyo qarashyo kale oo aan nolosha shacabka Sooaaliyeed waxba u saaidineynin.

5-Lacagaha wasaaradaha la siinayo kuma jirto Mushaar shaqaalaha Isbitaalada, Mushaar shaqaalaha Nadaafada, Mushaar shaqaaalaha iskuulaadka Muqdisho, Isbitaal laguma dhisayo, Iskuul laguma dhisayo, Jid laguma dhisayo.

6-Miisaaniyadaan oo ka imaanaysa Muqdisho, kuna dhow lacag 200 milyan Doolar magaalada Muqdisho oo lagu kabay Bank-ga dhexe waxaa looga qoondeeyay 15.3 Milyan Doolar oo lagu Sheegay “Deeq Gobolka Banaadir”.

7-Miisaaniyadda Guud ahaan wasaaradaha iyo Hay’addaha magac u yaalka ah lacagta waxaa ay ku baxaysaa Mushaar shaqaale iyo isticmaalka Agabka & Adeega oo loola jeedo shidaal, transport,koronto, qalab nadaafadeed iwm.

8-Amniga Muqdisho waxaa loo sugi la’ yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan heysan dhaqaalo ku filan oo ay ku socodsiiyaan ka shaqeynta amniga iyo horumarinta deegaanka.

9-Miisaaniyadda waxaa ku jira Budget line loogu magac daray, CODE 501: KUWA KALE waxaana ku qoran 34,040,376$ (Sodan iyo Afar Milyan Afartan kun Sadex Boqol Todobaatan iyo Lix Doolar).

10-Taliska Ciidanka Xooga Dalka waxaa ku qoran sanadkaan Kaliya lacag ku dhow 50 Milyan Doolar, lacagtaan Mushaar kuma baxdo, inta Badan Raashin bey ku qoran tahay, jeebab dad gaar ah ayay ku dhacdaa.

11-Miisaaniyad loo habeeyay inaan dadka waxba loogu qaban, Miisaaniyad Muujinaysa in Magaca Dawladda lagu dhacaayo canshuurta Shacabka, Miisaaniyad aan waxba kusoo kordhinayn nolosha shacabka, Miisaaniyad muujinaysa in madaxda dawladda maskaxdii ka tagtay, Miisaaniyad wasaaradaha ku qoran loo siiyey awood inay sidii ay rabaan ka yeelaan.

12-Baarlamaanka ka kooban 275, qofkii wuxuu Mushahar u qaadanayaa 3000$, Baarlamaankaani go’aankoodu wuxuu saameeyaa oo horumarka ka joojiyaa Muqdisho Kaliya.

miisaan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com