Dhageyso+Daawo Sawirada:Buri’ Hamza oo ku soo dhoweeyay Muqdisho 82 ruux oo Soomaali ah oo laga soo daad gureeyay wadanka Kenya .

0

Mogadishu, April 09, 2014-  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho 82 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya , kuwaasoo dalka dib loogu soo celiyay .

Soo dhoweynta garoonka diyaaradaha loogu sameeyay qaxootigaasi dib loo soo celiyay ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha golayaasha Wasiirada,baarlamaanka,talisyada hey’adaha amniga qaabilsan, agaasinada hab maamuuska iyo qurba jooga ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ,hey’adda qaxootiga qaranka iyo Mas’uuliyiin kale .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ,ayaa halkaasi ka akhriyay war – saxaafadeed u qornaa sidatan :

Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul wasaaraha, guud ahaan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaan ku soo dhoweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda hooyo.

Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, waxa ay ku dadaalayaan inay u fududeeyaan muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalka wixii tas’hiilaad ah .

Dowladda Federaalka Soomaaliya , kama gaabin doonto kaalinteeda ku aadan daryeelka dadkeeda .

Dowladdu waxa ay u xilsaartay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, H.E. Abdullahi Godah Barre  iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  u qaabilsan Kenya , Ambassador Mohamed Ali Nur  la tacaalidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya .

Ra’iisul wasaare H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed wuxuu xiriir dhanka isgaarsiinta ah  la sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya , si xal waara loogu helo arrimaha Soomaalida ku nool wadanka Kenya .

Dowladdu waxa ay ugu baaqeysaa hey’adaha caalamiga ee gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka inay gacan kaalmo ah siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo dalka , iyagoo la kaashanaya hey’adaha dowladda.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin Kooban oo ku saabsan Dadka

DSC05258 DSC05257 DSC05256 DSC05255 DSC05254 DSC05252 DSC05251 DSC05249 DSC05248 DSC05246 DSC05245 DSC05244 DSC05243 DSC05242 DSC05241 DSC05240 DSC05239 DSC05237 DSC05236 DSC05235 DSC05234 DSC05233 DSC05231 DSC05230 DSC05227 DSC05226 DSC05225 DSC05224 DSC05263 DSC05262 DSC05259

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com