Dhageyso:Faah-faahin Qarax lagu Qaarajiyey Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Wadajir

0

Muqdisho(AGGM):Xili Saaka Qarax Miino loo Dhigay Degmada Wadajir Xoghayaha Degmada Wadajir Maxamuud Cabdi Xaaji oo ku Magac dheer Maxamuudi ayaa Faah faahin dheerad ah ay ka soo baxaysaa Qaraxaasi.

Qaraxa oo Ahaa Miino dhulka lagu Aasay ayaa waxaa lala Eegtay Gaariga Xoghayaha Degmada Wadajir ahaana Gudoomiyaha Kaamka Rajo.

Waxaa Halkaa ku Geeriyooday Maxamuud Cabdi Xaaji Gudoomiyaha Kaamka Rajo,ayadoona sidoo kale ay ku dhaawac meen Saddex ka mid ah Ilaaladiisa.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafada Xaawo-Taako ee Degmada Wadajir Gobolka Banaadir,xili Mas’uulka uu ka soo baxay Gurigiisa islamarkaana uu ku soo jeeday Xarunta Shaqada.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgalgaduud@gmail.com