$28.000 Oo La Gaarsiiyay Gudiga Dhameystirka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

0

Guddiga horumarinta beesha Sade ee Birmingham UK.

Ku: Dhamaan guddiyada horumarineed ee beesha Sade oo ka kala dhisan Europe, USA, Canada, Australia, Africa iyo Middle East.

Salaan:

Waxaan marka hore salaan qiimo badan u direynaa dhamaan beesha Sade meel walbo oo ay joogaan, annaga oo idinku salaamayna salaanta Ilaamka “As-salaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wa Barakaatuhu”.

Marka xigga waxaan u mahad celineynaa cid kasta oo beesha Sade ah oo ka qeyb qaadatay, welina ka qayb qaadaneyso mashruuca horumarineed ee dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahareey ee gobolka Gedo.

Codsi:

Intaas ka dib waxaan u sheegeynaa beesha Sade meel walbo oo ay joogaan in mar dhow uu si rasmi ah u bilaaban doono dhismihii garoonku, insha Allah.

Sidaa daraadeed waxaan qoraalkaan kaga codsaneynaa guddiyada beesha Sade, meel walbo oo ay joogaan, in wixii dhaqaale ah oo ay hadda gacanta ku hayaan ay si toos ah oogu diraan guddiga dhismaha gaaroonka ee jooga magaalada Garbahareey. Guddigaas oo ka kooban shan (5) xubnood oo kala ah:

1) Shukri Xuseen Jaamac (Gudoomiye), Tel:0025 261 5800 104

2) Axmed Kadiye Yacquub Tel: 0025261 5847099

3) Maxamed Aaden Xayeyi Tel: 0025261 5823258

4) C/fataax Sh Daahir

5) C/llaahi Yuusuf Daahir

Waxaan kale oo aan ka codsaneynaa dhamaan guddiyada aan weli soo aruurin lacagihii loo jaangooyey ay sida oogu dhakhsaha badan u soo ururiyaan lacagihii laga filaayey, maadaamaa raacii hore ee dhismaha garoonka uu dhawaan bilaabanayo.

Ogeysiis:

Gudiga horumarinta beesha Sade ee Birmingham waxa ay gaarsiiyeen gudiga garoonka ee garbahareey maanta oo ay taariikhdu tahay 08/04/2014 lacag dhan $ 28,007.00 (Labaatan iyo sideed kun iyo todobo doolar).
Lagactaas waxa ay ka kala timid:

1) $ 19,528.00 Beesha Sade ee Birmingham UK

2) $ 6,200.00 Beeha Sade ee Holland

3) $ 2,279.00 Besha Sade ee Coventry UK

Warbixin intaan ka badan iyo hadbo howsha meesha ay mareyso waxaad kala socon doontaan qormooyinkanaga danbe insha Allah.
Mahadsanidiin

Gudiga horumarinta beesha Sade ee Birmingham UK

airport garbahaarey

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com