M/weynaha Faransiiska oo ka hadlay muwaadin G/kacyo looga dilay

0

Paras(AGGM):M/weynaha wadanka Faransiiska Francois Hollande oo xafiiskiisa magaalada Paris kasoo saaray war saxaafadeed ujeedkiisu ahaa cambaareynta falkii shalay magaalada G/kacyo loogu geystay 2 ruux oo cadaan ahaa midkoodna u dhashay dalka Faransiiska ayaa waxaa uu falkaasi ku tilmaamay mid aragagixisinimo

M/weyne Francois Hollande waxaa uu sheegay in weerarkii lagu dilay shaqaalaha Q,M ay ka dhigan tahay inay ka dambeeyeen shaqsiyaad uu ku tilmaamay inay nabada Soomaaliya diidan yihiin.

“Waxaa uu ahaa weerar aragagisixinimo oo fulaynimo waana u tacsiyadeynayaa ehelada labada marxuum ee Q,M u shaqaynayay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray M/weynaha Faransiiska

Sidoo kale M/weyne Hollande waxaa uu ugu dambeyn sheegay in weerarkii shalay G/kacyo ka dhacay uusan ka baajin doonin in dadka u dhashay Faransiiska iyo dawladaba ay ka shaqeeyaan Soomaaliya oo hadda ay xaaladiisu soo hagaagayso.

Weerarkii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada G/kacyo ee lagu dilay labho ruux oo ajanabi ahaa una shaqeynayay Q,M ayaa mas’uuliyiinta amaanka Puntland ay sheegeen inuu fuliyay ruux madaxa looga jiray hase ahaatee la qabtay.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com