Joseph ole Lenku “4,000 oo Soomaali ah oo aan xir xirnay waan musaafurinaynaa”

0

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph ole Lenku oo la hadlay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya uu sheegay in howlgal qaatay muddo todobaad ka badan oo ciidamada Kenya ka sameeyeen magaalada Nairobi oo ayh ku qab qabteen in ka badan 4,000 oo ruux oo uu sheegay inay dalka Kenya si sharci darro ah ku joogeen isla markaana ay iska soo musaafurin doonaan.

Joseph ole Lenku waxaa uu sheegay in baaris ay ku sameeyeen Soomaalida ay howlgalka ku qab qabteen ay ku ogaadeen inay ku joogeen dalka si sharci darro ah sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray inay hadda ka shaqaynayaan sidii ay dadkaasi dib ugu soo celin lahaayeen dalka.

“Dadka aan xir xirnay waxay gaarayaan 4,000 oo ruux waxaana baaris kadib ogaanay inay sharci darro dalka ku joogeen hadda dhamaan waan iska musaafurinaynaa” ayuu yiri Joseph ole Lenku wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta dalkiisa.

Si gaar ah waxaa uu sheegay inay wajiga hore ay diyaariyeen inay iska soo musaafuriyaan 160 ruux oo  ka mid ah dadka lagu hayo garoonka kubadda cagta ee Kasarani dhawaana Muqdisho la keeni doono

Wasiirku waxaa uu sheegay inay ogaadeen in qaar ka mid ah dadka ay hadda hayaan ay dalka ku joogeen waraaqo been abuur ah oo ay sameysteen.

Booliska Kenya ayaa howlgalkii ugu xooganaa ka sameeyay xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii oo Nairobi ku taala