Dhageyso:Baarlamaanka Somalia oo ku Dhawaaqay in la Xiro Xarunta Dad Dhigista

0

Muqdisho(AGGM):Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Joojiyey Qaadashada  Kaarka Muwaadinimada ee Dhawaan Muqdisho laga hirgaliyey.

Kulan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho oo ay soo Xaadireen 154 Mudane islamarkaana uu Shir gudoominayey Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa ay Diideen Qaadashada Kaarka Dhalashada.

Baarlamaanka ayaa sheegay in Qaadashada Kaarka Shacabka Soomaaliyeed ay dhib ku qabaan,ayagoona Cod Gacantaa ah ku Diiday.

Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cawad ayaa ku dhawaaqay in Baarlamanka Federaalka ay Cod dheer ku diideen sii shaqeynta Kaarka Muwaadinimada,waxaana ay Ciidamada Amaanka ku Amreen in la Xiro Xarunta laga Goosto.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/04/war-bixin-barlamnka-oo-jojisay-National-ID-Sujaac.mp3