Dhageyso:Al-shabaab oo Buurdhuubo Weeraray

0

Buurdhuubo(AGGM): Wararka ka imaanaya Degmada Buurdhubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Xalay Weerareen Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leyihiin Degmada Buurdhuubo.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan Saddex Ruux oo idkugu jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dad Shacaba ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Xalay Weerareen Degmada Buurdhuubo oo ay iska Difaaceen .

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allaglgaduud@gmail.com

 

 

 

Inta la og yahay Dagaalka ayaa waxaa ku Geeriyooday Seddex Ruux oo Labo ka mid ah ay yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Cali Mataan Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Al-shabaab ay Weerar Gaadomo ah kusoo qaaden Fariisom Ciidamada ay ku leeyihiin Degmada Buurdhuubo.

Mataan ayaa sheegay in Labo Askari Dagaalka ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay oga Geeriyootay,Al-shabaabna ay Dagaalka ku Jabiyeen.

Waxaa sidoo kale jirta Khasaaro soo gaaray Dad Shacab ah oo Rasaasta la isku adeegsaday ay gurya hooda ugu tagtay,waxaana inta la og yahay ku Geeriyooday Hal Ruux oo Shacab ah iyo Dhaawac 4 kale.

Tan iyo Markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la Wareegeen Degmada Buurdhuubo ayaa waxaa ka dhacay Weeraro ay Al-shabaab soo qaadeen.