QM oo cambaareeysay dil maanta Gaalkacyo loogu geestay shaqaale

0

Muqdisho(AGGM):Nicholas Kay,wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey falkii maanta lagu dilay shaqaale u shaqeenayay UN-ka waxana uu ku tilmaamay in ay ahaayen kuwo u adeegayay shacabka Soomaaliya si ay u gaari lahaayen mustaqbal wanaagsan.

War kooban oo laga soo saaray xafiiska Nicholas Kay ayaa lagu sheegay in dilka shaqaalahaani ay tahay mid aan loo dul qaadan Karin.

Nicholas Kay ayaa ugu baaqay saraakisha maamulka Putland in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u baaraan dhacdadaasi iyo mas’uuliyiinta ku lugta leh caadalaada la horgeeyo iyadoo aan laga gaabin doonin

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com