Dhageyso:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Qeyb galay Xuska Xasuuqii Riwanda

0

Kigali(AGGM):Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ku sugan Dalka Riwaandha ayaa maanta lagu wadaa in uu ka qeyb galo  Baroortiiq  ku aadan,Sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay Xasuuqii ka dhacay Dalka Riwaanda.

Riwaandha ayaa waxaa ka dhacay sanadkii 1994 Xasuuq Dhexmaray  Qoomiyadaha Huutuu iyo Tuutsiga,waxaana la Aamisan yahay in ay ku dhinteen 800.000 kun  oo Ruux 100 Maalin oo uu Dagalka Socday.

Madaxweynaha Soomaaliaya Xasan Sh Maxamuud ayaa Waxaa uu qeyb ka Yahay Madax Afrikaan ah oo ka Qeyb galaya Baroortiiqdaasi maanta bilaabatay.

Sidoo kale Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magaalad Kigaali kulan kula Qaatay Dhigiisa Riwaandha  Bool Kigaami.

Waxaana ay ka wada Hadleen Arimo dhoer ah oo ay ka mid yihiin Xariirka kabada Dal iyo Taageero la siiyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sidoo kale Magaalada Kigaali kula kulmay Jaaliyad iyo Ganacsatada Soomaalida eek u nool Wadadnkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka