Daawo: Xog Tageerayaasha Raaskambooni & ONLF Oo Ka Soo Hor Muuqday Shir Qaarada Yurub

0

ogaden_national_libreation_front_nyt_Kismaayo(AGGM) Waxaan dhawaan Magaalada Brussels ee Wadanka Belguim-ka ka dhacay shir looga hadlayey arrimo badan oo ay ka mid yihiin arrimo ku lid ah Jiritaanka dawladda Itoobiya,Waxaana shirkaasi ka qayb galay kooxo ka tirsan Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka Soomaalida Itoobiya.

Kulankaasi waxaa ka qayb galay qaar ka tirsan Jabhadda ONLF oo uu Hormuud u yahay Cabdullaahi Xuseen oo ah ninka ugu firfircoon tageeridda Jabhadaha ONLF & Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana Cabdullaahi Xuseen Kulankaasi ka sheegey in dhibaato xoogan ka jirto gudaha wadanka Itoobiya isla markaasna dawladda itoobiya dhibaato xoogan ka wado degaanada Soomaali Galbeed.

Cabdilaahi Xuseen waxaa sanadkii hore wadanka Belguim kula kulmay Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe) waxaana ay ka wada hadleen sidii way iskaga kaashan lahayeen dhinaca ciidamada isla markaasna wixii saad ciidan ah ee uu Axmed Madoobe ka heli karro ciidamada dawladda Kiiniya uu qayb uga siiyo Jabhadda ONLF ee dagaaladda kula jirta Dawladda Itoobiya.

Sidoo kale waxa jirey dhaqaale aad u badan oo tageerayaasha Jabhadda ONLF ee uu hormuudka ka yahay Cabdulaahi Xuseen ay u soo aruuriyeen Maleeshiyaadka Raaskambooni & Jabhadda ONLF taasi oo la soo mariyey Xawilaad ka mid ah xawilaadaha Soomaalida,waxaana la sheegayaa in dhaqaalahaasi ku soo dhacay Magaalada Kismaayo ee hadda gacanta ugu jirta Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Sidoo kale waxaa Axmed Madoobe & Cabdulaahi Xuseen ka wada hadleen sidii Ciidamada Jabhadda ONLF qayb looga siin lahaa tababarka Iyo dhaqaalaha ciidamada Kiiniya ugu deeqaan kuwa Maleeshiyaadka Raaskambooni iyagoo laga dhigayo inay yihiin Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose ee ay hadda Maamulaan Ciidamada Dawladda Kiiniya, kuwa Maleeshiyaadka Raaskamboon & Jabhadda ONLF,waxaa hadda ku sugan saraakiil caan oo ka tirsan Jabhadda ONLF & ciidamo badan kuwaasi oo qaarkood tababaro uga socdaan Banaanka Magaalada Kismaayo laguna wado inay dhawaan si dhuumasho ah uga gudbaan xadka Soomaaliya iyo itoobiya iyagoo doonaya inay qas ka geystaan gudaha dalka Itoobiya.

Ugu dambeyntii dawlada Itoobiya ayaa iyagu si wanaagsan uga war haysa xirirka ka dhexeya Jabhadaha ONLF Iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegaya in dawladda itoobiya hadda wado qorshe muhiim ah kaasi oo lagu wado inuu dhawaan soo shaac baxo isla markaasna ay ku waano qaadan doonaan Tageerayaasha Jabhadda ONLF & Kuwa Raaskambooni.

Halkan Ka Daawo:

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com