Daawo Sawirkeena Maanta:Guusha Kooxda Bac Madoow Iyo Taagerayaashooda Ay Ka Soo Hoyiyeen Magaalada Kismaayo.

0

Muqdisho (AGGM): Akhristoow waxaan maanta halkaann diinku soo gudbineynaa Sawirkeena Maanta  iyo warbxin kooban oo ku saabsan Guusha Kooxda Bac Madoow iyo Tageerayaashooda Ay Ka Soo Hoyiyeen Magaalada Kismaayo.

Kooxda Bac Madoow ayaa waxaa horjooge u ah Maxamed Ugaas Xaashi (War Moog), waxaana gacan yare yaal u ah, Shaale Cibaad Bulxan (Xaaraan Ku Naax) Iyo Xuseen Buraale Cali (Surxun Been Daac).

Dadka Lagu Dilay Magaalada Kismaayo Tiradooda Waa 149 ruux.

Gabdhaha Lagu Kufsaday Magaalada Kismaayo Tiradooda Waa 49 Gabdhood.

Hantida Lagu Dhacay magaalada Kismaayo Waa  $1,175,000 oo doolar (Hal Milyan Boqol Iyo Todobaatan Iyo Shan Kun Oo Doolar)>

Guryaha dadka rayidka lahaayeen ee lagu dumiyay Magaalada Kismaayo waa 103 Guri.

Xarig Joogto Ah Iyo Caga Jugleen Joogto Ah.

Dadka Lagu Xiro magaalada Kismaayo Oo La Kala iibsanayo Iyadoo La Kala Qaato Lacag Dhan Ilaa $ 3000 Oo Doolar ama ka badan.

Ilaa maanta dadka rayidka ah ee guryahooda lagala baxaya ayaa kor u dhaafaya  boqolaal ruux ilaa haddana qaarkood lama yaqaan halkay jaan iyo cirib dhigeen.

HAMBALYO HAMBALYO AYAANU LEENAHAY HORJOOGAHA IYO GACAN YAREYAASHA KOOXDA BAC MADOOW GUUSHA AY KA SOO HOYIYEEN MAGAALADA KISMAAYO.

bacmadoow1

Su’aasheena  Maanta Isweeydiinta Mudan: Dadka Shacabka Ah Ee Reer Kismaayo Hadii Sidaan Loo Galay, Horjoogeyaasha Bac Madoow Kuwa Ku Haray Magaalada Kismaayo Iyo Kuwa Ka Soo Cararay Toloow Maxaa Iyagana Lagu Sameeyay?

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com