Urugada Islii anagaa eedeeda iska leh! Oo sabab?!! (Qalinkii Maxamed Xaaji).

0

Soomaali hadaan nahay waxaan nahay bulsho ku caan baxday inay kaliya cabaadaan marka ay la kulmaan cawaaqib xumada cillado ay iyaga iyo iyaga oo qur ihi ceebaalkeeda leeyihiin, waayo waxaa na haysta dhibaatooyin kumanaan ah oo kulligood ah ASTAAMIHIIM CUDUR aan ka horteggiisa lagu mashquulsanayn.

Haatan waxaa taagan raafka iyo rucubka Soomaalida ku haysata xaafadda Eastleigh oo aan runtii aad uga gubanayo, waxaa sidoo kale Nairobi yimid madaxwaynaha Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dadku aad ugu dhaliileen inuusan waxba ka qabanin ama u qabanin dhibaatada ay haatan Soomaalida ku hayso dowlad uu madaxwayne ka yahay nin uu si kal iyo laab ah ula qoslayay.
isliiraaf

Dad aan aniga laftaydu ku jiro aad bay uga xumaadeen markii ay arkeen haweenay Soomaaliyeed iyo carruurteeda oo si aysan bini aadaminimo ka muuqanin iyada iyo dad kale loogu shixnadayo gaari loori ah oo ay booliisku leeyihiin (Si hadhoow loo iibiyo hadii ay is furan karto taasoo ah adoonsi casri ah).

Hadaba waxaa ila yara wanaagsanaatay inaan bal isu iftiimino inaysan had iyo jeer haboonayn in aan ka gubano cawaaqibta dhaqankeenna aan dhanna u soconin ee 95% mas’uulka ka ah waxa nagu dhacaya!
ISL

Sababta i waydii…?

Hadda waxaan aad ugu caraysannahay madaxwaynaha Soomaaliya oo aan leennahay ‘’MUU WAX QABTO’’, hadaba anigoo aan difaacaynin bal aan idin dareensiiyo khaladaadka sida aan u kala leenahay anaga iyo madaxwaynuhu markaas oo ay soo baxayso in inta badan ay khaladka yeelanayaan shacabka Soomaaliyeed oo leh KUN KHALAD waloow aan xusayo kuwa ugu waawayn oo qura.

KHALADKA UGU WAYN: Waxaan soo doorannaa xukuumad ka kooban danaystayaal, qabyaaladiistayaal, tabcanayaal, daba dhilif, maangaab, calooshiis la ciyaar, laaluush qaate, hogaamiye kooxeed, keenna noogu jaahilsan IWM oo ay ku yaryihiin dadka wanaagsani.
Tusaale ahaan dowladda haatan xilka haysa 3-da nin ee ugu sarraysa marka laga reebo gudoonka baarlamanka kuma jiro nin khibrad siyaasadeed leh, ama ugu yaraan xitaa soo bartay culuunta siyaasiga ah yuusanba khibrad lahaanine.

KHALADKA 2-AAD: Soomaalidu waxay tiraahdaa: ‘’HAL BOOLI IHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO’’ nimankii aanu sidaa kusoo xulnay oo koodii xitaa daacad ahaan lahaa uusan aqoon ama khibrad u lahayn howsha loo dhiibay ayaan la yaabnaa haddii uu garan waayo halka uu istaagayo marka uu shir jaraa’id qabanayo ama waxyaabaha lala tago marka shir caalami ah laga qaybgelayo.
isliii9

Tusaale ahaan shalay madaxwaynuhu wuxuu dhex taagnaa munaasabad maxalli ah oo dhinac uu kasoo galo aysan jirin MAAMUUS ahaan, waayo ‘’sharikadda KENYA AIRWAYS ayaa soo iibsatay dayuuradii ugu horraysay ee Boeing 787 Dream liner’’ maxaa naga galay anaga ka Soomaali ahaan ayaad is waydiin kartaa? Sidoo kale xitaa ma joogin hogaamiye kale oo caalami ahaa.

Laakiin weli madaxwaynuhu khalad malaha, ee khaladka oo dhan waxaa iska leh shacabka Soomaalida ah ee qofka ku qiimaynaya oo qura waxyaabo aan hadhoow maamulka iyo siyaasadda waxba ka tari doonin sida in gobol hebel waxaas helo ama in qabiil hebel jago hebla la siiyo.

‘’Adiga iyo Ilaahay soo dagaallama halkan ayaanu sii fadhinaynaaye’’

Xigashadaasi waa aayad qur’aan ah oo ku jirta suurat Al Maa’ida waana hadalkii ay reer Banii Israa’iil ku yiraahdeen Nabi MUUSE (CS) iyagoo diidanaa inay garab siiyaan oo ay jihaadka la galaan ayay ku yiraahdeen ‘’Ilaaha aad sheegayso iyo adigu soo dagaallama, halkan baanu sii fadhiyaynaaye’’.

Maanta Soomaaliya waxaad moodaa in dhaqanka noocaas ihi uu si wayn uga hana qaaday, waayo dowlad kasta dad aan mir caawimaad ah noocay doontaba ha ahaatee ayaa isku taaga oo dhuunta u gala.

Tusaale ahaan dowladda aanu soo xusay sida lagu soo doortay ee awalba khaladka ahayd ayaa mucaaradad lala hor istaagaa iyadoo lagu mashquulinayo waxyaabo ujeedka ugu wayni yahay ‘HA FASHILANTO’’ uun.

Tusaale ahaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud oo sida aan aragno aan khibrad lahayn ayaa jidka loo daadiyay TURAANTUROOYIN iyo wax lagu sheegay maamul goboleedyo wada xujo ah oo ay niman danaystayaal ah oo lagu shaqaysanayaa ay dadku ku gelinayaan CAJALAD QABYAALADEED.

Qiyaas! Dowladii dalku yeelan lahaa ayaa loo diiday wax kalaba ha joogtee inay booqasho ku tagto gobolladii dalka iyadoo uu jiro cinwaanka caan baxay ee la yiraahdo ‘’WASIIR HEBEL OO LOO DIIDAY INUU GALO MAGAALA HEBLA’’ ‘’WASIIR HEBEL OO LAGU AMRAY INUU DEG DEG UGA BOXO MAGAALADA FULAAN IWM’’.

Ogoow shacabkan QAYBSANOOW ee aan dantiisa aqoonoow, ninka waxaas samaynaya wuxuu u adeegayaa duul shisheeye ah oo si dadban ula dagaallamaya DAMIIRKIINA haddiba ay wax idinku hareen, waayo waxaad si TARTIIB TARTIIB ah u aqbalaysaan inaan doowladaadu waxba ahayn ee KENYA iyo ETHIOPIA oo midkani ku daaban yahay laga amar qaato, wuxuuna sidaa ku hortaagan yahay qaranimadiina ee yaysan kula noqonin inuu ‘’MAAMUL GOBOLEED’’ idiinkugu maqan yahay, illeen shaqo maamul goboleed maaha in dowladda lagu dhinac ordee.

Waxba yaanan hadaba warka idinku daalinine dowladdii neefta ayaa lagu DHEJIYAY, dhinac waxaa uga dheggan AL SHABAAB oo diidan horumar Soomaaliyeed, dhinac dalalkii DERISKA, dhinac QABYAALADIINII oo maamul goboleed kaashanaysa, dhinacna AMISOM iyo beesha Caalamka oo sheeko DABAAL JOOGLAYS ah wada.

Waxaana lagusoo koobay gobolka Banaadir oo qura oo ah meesha kaliya ee ay CANSHUUR ka qaaddo dowladdu, canshuurtaasoo uu cunayo xildhibaan aan OGOLAYN in la CANSHUURO gobolka uu sheeganayo inuu XILDHIBAAN u yahay, taasoo aan khalad kaliya ahayne CAQLI XUMO ah.

Sidee marka akhristoow ay madaxwaynaha iyo wasiirrada ku qabataa inaan meelaha ku qorqorno ‘’MAY WAX QABTAAN? INUU SIDAA ULA HADLAY AHAYD’’ DAMIIR MALAHA!’’ IWM. Ma ninka aad ka shaqayseen in Ahuru uu dalkiisa la xukumo ayaad isla afkii aad Ahuru ugu banaan baxayseen ku dalbanaysaan inuu wax qabto! Sidee yacni?!!

Aan idiin sheego halka khalad ee uu shalay galay madaxwaynaha Soomaaliya, kaliya waa inuu QOSLAYAY, taasina dabcan kuma haboonayn madal dadkiisii lagu dulminayo xitaa hadii uusan wax ka qaban Karin sababo aan anagu leennahay dartood, waxay ahayd inuusan u qoslin nin dadkiisa kula kacaya dulmi iyo bahdil.

Khaladka kale ee ah ka qaybgalkiisa xafladii Kenya Airways eedeeda waxaa iaydna iska leh umadda Soomaaliyeed waana soo sheegay.

Gunaanadkii…

Soomaaliyay aan labo mid soo galno aan marka hore daneheenna qaran u midoowno oo xilka madaxtinimo ku dhiibno u qalmitaan iyo wadaninimo, halkii qabiil lagu kala qaadan lahaa, kadibna dalka iyo dadka lasii qaybin lahaa sida socota, deetana aan la shaqayno, markaas way noo furan tahay inaan dowladda DHALIILNO.

Ama aan sida aan hadda wax ku wadno ee is miidaamiska ah (Self-destruction) aan wax ku maarayno, laakiin ii ballan qaada in aydnaan xanuunsan doonin marka aad la kulantaan cawaaqibka caqli xumadeenna.

Waayo haweenaydii miskiinta ahayd iyo carruurtii yaryarayd ee la silcinayay, mida garoonka ku dhex umushay iyo kumanaanka kale ee la saxariirinayo maaha inaad u aragtaan wax ka bilowday jidadka Eastleigh iyo askarigan Kenyan-ka ah ee mudada dheer na ihaanaysanayay (Anagoo isku duuban cid na dullaysan kartaa majirto), ee u fahma inay tahay sheeko aad idinku soo jisheen oo aad naaxiyadda iyo mirahaba aad idinku leedihiin kadibna aad natiijadeeda ka NAXSAN TIHIIN.

Forza SOMALIA.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com