Dhageyso:Ciidamo Boolis iyo nabadsugid ah oo la Wareegay Xarunta Degmada Kaaraan

0

Muqdisho(AGGM):Ciidamo iskugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa Saaka la Wareegay  Saldhiga iyo Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya  in Amarka Ciidamada ay kula Wareegeen Xarunta Degmada iyo Saldhiga uu bixiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab”.

Waxaa la sheegayaa in Arintaan ay ka Danbeysay ka dib Markii Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Cali Calasoow Xasan uu Diiday Warqad Xilka looga qaadayey.

Xarunta Degmada iyo Saldhiga Kaaraan ayaa hada waxaa ku sugan Ciidamada Baaliska iyo Nabadsugida Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com