Daawo Sawirada + Akhriso Baaqa: Kulan Balaaran Oo Looga Hadlayay Xasuuqa Ka Socda Kismaayo Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Baaq Laga Soo Saaray.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaa in maanta Kulan ay iskugu yimaadeen golaha Nabada iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka looga hadlay dhibaatooyinka iskugu jira Xasuuqa, Xariga, Kufisiga, Dhaca iyo Barakicinta baahsan ee lagu hayo shacabka dagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan ayaa Waxaa kasoo qayb galay maanta qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada gobolada Jubbooyinka waxaana looga hadlayay sidii caalamka loo tusi lahaa dhibaatooyinka ay Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ka wadaan Kismaayo.

Col, Cabaas oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay ujeedka kulanka inuu yahay sidii caalamka iyo dawladda Soomaaliya cadaadis loogu saari lahaa wax ka qabashada dhibaatada ka jirta degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah wax-garadka kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka oo kulankaasi dhankiisa ka hadlay ayaa halkaasi ka akhriyey qaar kamid ah magacyada dadkii uga dhintay beeshooda dilalka Kismaayo ka dhacayay dhawrkii sanno ee u danbeeyay.

Dr Axmed Faarax Ducaale oo ah aqoonyahan kasoo jeeda Jubbooyinka oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa ku eedeeyay dawladda Soomaaliya inay ka gaab-satey dhibaatada Shacabkeeda loo geysanayo isagoo xusay in jab-had dadka xasuuqaysa loo xalaaleeyay masiirkii Shacabka Jubbooyinka.

Baaqa Golaha Nabada Iyo Midnimada Gobolada Jubbooyinka

Daawo Sawiradda.

kis21 kis20 kis kis19 kis1 kis18 kis2 kis17 kis3 kis16 kis15

kis11

kis13 kis14 kis4 kis12 kis7 kis5 kis10 kis9

kis6

kis23 kis22 kis8

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com