Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaanka Wabxo Ee Gobolka Galguduud.

0

Wabxo (AGGM): Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaan askarta AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaanka Wabxo oo 42 kilo-mitir galbeed ka jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka dowladda Soomaaliya ee gobalka Galgaduud, Cabdixakiin Cabdullaahi Warsame oo u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in aanu wax dagaal ah ka dhicin halkaas, isla markaana maleeshiyada al-Shabaab ay isaga carareen deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray inay caadi yihiin ganacsiga iyo isu socodka shacabka, balse wuxuu tilmaamay in xaalad bani’aadannimo ay heysato shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in gargaar bani’aadannimo la gaarsiin doono deegaanka Wabxo oo uu sheegay in dadka ku nool halkaas aanay wax gargaar ah helin muddadii ay al-Shabaab heysatay.

Deegaanka Wabxo wuxuu ka mid noqonayaa deegaannada ay dhowaan ciidamada dowladda iyo ciidamada AMISOM kala wareegeen maleeshiyada al-Shabaab ee ku yaalla gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com