Xog Muhiim Ah+ Videos: Maxuu Ahaa Ujeedka Martiqaadki Shalay Uu U Sameeyay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Beesha Sade?

0

Muqdisho (AGGM): Akhristoow maxaad kala socotaa marti qaadkii shalay uu u sameeyay R/wasaaraha DFS Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Beesha Sade?

Ninba dhinac ayuu u qaaday falanqaynta martiqaadki qado ee uu shalay u sameeyay R/wasaaraha DFS Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed beesha Sade oo uu dhalasho ahaana kasoo jeedo.

Dadka samaha jecel qeeyr sheegana ah sida aadka ahna u daneeya midnimada iyo wadajirka Beesha Sade waxay ku macneeyeen martiqaadki qado ee shalay uu sameeyay R/wasaare Cabdiwali Sheekh inuu ahaa mid ay ku jirto danta beesha Sade balse xaqiiqdu waa ay ka fogtahay sidaas.

Xaqiiqda waxay tahay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed waxuu doonayay inuu ka gado Mareexaan Nin ay cod dheer horey ugu diideen gacmahana ku leh dhiig, shilimana siistay magaci iyo sharafki beesha Sade.

maxamed ugaas xaashi
Sawirka Maxamed Ugaas Xaashi

Ninkaas oo ah Maxamed Ugaas Ugaas Xaashi, waloow dadka garaadkoodu liito ay u yaqaanaan Ugaas, waa ninka sheeganaya inuu yahay Ugaaska Beesha Sade islamarkaana isagoo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo maalintiina lagu hor dili jiray Ragga Mareexaan, habeenkiina lagu hor kufsanayay Gabdhaha beesha Sade, Islamarkaana lagu hor dhacayay hantida dadka u nasab sheegta beesha Sade.

Maxamed Ugaas Xaashi iyo kooxdiisa waa daambiileyaal u sabab ah in beesha Sade dhiigo qubto gudaha magaalada Kismaayo, ilaa haddana maqirsana si cadna ugama sheegin idaacadaha.

Sida aad la socotaan Maxamed Ugaas Xaashi markuu soo gaaray magaalada Muqdisho waxuu dalbaday inuu kulan la qaato odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha Sade ee ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu ugu horeeyo Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.

Dhamaan Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta beesha Sade ayaa waxa ay go’aan cad ka qaateen Maxamed Ugaas Xaashi islamarkaana jawaabna u diray Maxamed Ugaas Xaashi unna sheegay inaysan la kulmeen ilaa uu Idaacadaha ka sheego xasuuqa, xariga, kufsiga iyo barakicinta ka socota magaalada Kismaayo.

Iyadoo ay halkaasi marayso ayuu todobaadki tagay Maxamed Ugaas Xaashi ayaa shir ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana shirkaas isugu yimid isaga iyo kooxdiisi Bac Madoob, dadkii daawaday Video-ga laga soo duubay kulankaas ilaa hadda waxay ku hadleen kooxda bac Madoow cid macneen kartaa ama fahmi kartaa ma ay jirto marka laga reebo hal nin oo runta ka hadlay.

Sidoo kale Maxamed Ugaas Xaashi ayaa waxa uu kulankan ka sheegay inuu ku tagay magalada Kismayo wadatashi uu la yeeshay beesha Sade, taasi oo ku tusaysa Maxamed Ugaas Xaashi inuu yahay nimaan Kalmad xalaal ah aqoon oo wax walbaa sida uu uga been sheegayo Ugaasnimada uga been sheega.

Bini aadamka waa qaldamaa balse waxaa ugu caqli iyo faaiido badan Allaah Subxaanahu Watacaalaanaa uu jecel yahay qofka qaldama ee isdaba qabta, kana toobad keena qaladkuu galay, Ex Ambassador Aaden Xirsi Ciise (Sandheere) xaqiiqdu waxay tahay  in uu hantidiisi u taalay Columbus Ohio ku dhameeyay taageerida waxa loogu yeero Jubbaland, balse libinta qofku leeyahay lama xaqiro, Sandheere ayaa waxa uu u muuqdaa nin isadaba qabtay waxa uu ka hadlayna waa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta indhihiisana uu kusoo arkay markuu tagay magaalada Kismaayo, Beesha Sadena ayayna u taalaa inay cafiso ama xukunto maadaama uu sheegay waxa jira ee dhabta ah.

Halkaan Hoose Ka Daawo Khudbada Ex Ambassador Sandheer oo la ilmeenaya qiiro darteed iyo waxa ka socda magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa isna ka hadlay kulankaas Shaale Cibaad Bulxan oo sheegay inay beesha Sade sixran tahay oo la sixray, balse xaqiiqda ayaa waxa ay tahay cid hadeey sixran tahay ama waalan tahay waxaa sixran oo Qur’aan saar, Dawo iyo Qisaar u baahan waa kooxda Bac Madoob iyo waxii taageera ee uu hogaamiyo Maxamed Ugaas Xaashi.

Sidoo kale Mr.Shaale ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in leeysu tanaasulo, haddaba su’aasha in la weeydiiyo Shaale  loo baahan yahay ayaa waxay tahay maloo tanaasuli karaa “Ninka Raggiisa lagu hordilayay, Ninka Gabdhihiisa lagu hor kufsnayay, ninka hantida dadkiisa lagu hordhacayay“?

Halkaan Hoose ka daawo Ninka Sixran (Shaale) oo kamid ah horboodayaasha Bac Madoow.

Kulankan Maxamed Ugaas Xaashi qabtay ayaa waxa uu kusoo afjarmay fashil kadib markii odoyaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta beesha Sade ee ku sugan magaalada Muqdisho aysan u soo xaadirin kulankaas.

Fashilkaas kadib ayaa waxaa martiqaad cusub sameeyay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed maadaama Maxamed Ugaas Xaashi aan la tagin kulankiisa ayuu waxuu R/wasaaraha martiqaad u sameeyay dhamaan beesha Sade isagoo ka dhabeenaya riyadii  Maxamed Ugaas Xaashi uu  soo horfadhiisiyo dadkuu dhiigooda gatay, isagoona aan haba yaraato’e sida wax uga jiraan magaalada Kismaayo u sheegin amaba aan la Qisaarin.

Gabagabadi R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaad moodaa nin hadda usoo xeed xeetay inuu garab u noqdo kooxda BAC MADOOW ee Gacmaha ku leh dhiiga ragga beesha Sade, balse R/wasaaraha waxa uu xisaabta ku darsan in xabada beesha Sade ee kusii jeeday maleeshiyo beeleedka Raaaskambooni isaga lagu soo jeedinayo, waxbadan oo uu heeysto maantana uu ku waayayo hadduusan faraha kala bixin waxa uu faraha la galay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com