Dhageyso:QM oo Degmada Xudur Gar-gaar gaarsiisay

0

Xudur(AGGM):Degmada Xudur oo ka mid ah Degmooyinka dhawaan laga Saaray Al-shabaab ayaa Maanta Waxaa la Gaarsiiyey Gar-gaar loogu Talo galay Dadkii uu Saameeyey Dagaalkii ka dhacay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Gar-gaarka oo ay Keentay Diyaarad ay leedahay QM ayaa iskugu jiray Daawo iyo Buskutka Nafaqada,waxeyna Diyaaradii waday maanta ay ka soo dagtay Garoonka Diyaaradaha ee Xudur.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Max’ed Macalin ayaa Warbaahinta  u sheegay in Gar-gaarka la Gaarsiindoono Dadka ku dhibaateysan halkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso COdka

isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com