Dhageyso:Dagaal Khasaaro Geeystay oo ka dhacay Gobolka Bakool

0

Waajid(AGGM): Wararka laga Helayo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Xalay dagaal u Dhaceya Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabab halkaa ka dhacay.

Waxaana Dagaalka uu Geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo Soo kala Gaaray Dhinacyada ku dagalamy Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya  oo lagu Magacaabo Corneel Timacade ayaa Warbaahinta u sheegay in Dagaalka Xalay ay ku Dileen  Horjooge ka tirsan Al-shabaab islamarkaana dhawaan ay Warbaahinta u soo bandhigayaan.

Waxaa uu intaa ku daray Sargaalka in Dhankooda 2 Askari Dagaalka ay oga Geeriyootay,Al-shabaabna ay ka Dileen 17 ka mid ah Maleeshiyada Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Warkaasi

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com