Daawo: Ex Ambassador Aden Xirsi Ciise (Sandheere) “Waxaan Ku Soo Arkay Kismaayo Ma,ahan Jubbaland-taan Rabnay, Raggii Waa La Leenayay, Gabdhahana Waa La Kufsanayay”.

0

Muqdisho (AGGM): Ex Ambassador Aden Xirsi Ciise (Sandheere) ayaa waxa uu sheegay in uu dhawaan 15 Febraayo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, waxa uu ku soo arkayna ay ahayn Jubbaland-ti aan rabnay.

Ex Ambassador Sandheere oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ku soo arkay qaar kamid ah horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay masaajida ka hadlayeen oo ay lahaayeen dadka hala qixiyo, mana ahan waxay qarsanayeen ee waxay ahayd wax ay si cad u sheegayeen.

“Ilaaheey ayaan idinku dhaarshee u taga ciidamadiina duurka ku jira” waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Isku soo wada duuboo Bini aadamka waa qaldamaa balse waxaa ugu caqli iyo faaiido badan Allaah Subxaanahu Watacaalaanaa uu jecel yahay qofka qaldama ee isdaba qabta, kana toobad keena qaladkuu galay, Ex Ambassador Aaden Xirsi Ciise (Sandheere) xaqiiqdu waxay tahay in uu hantidiisi u taalay Columbus Ohio ku dhameeyay taageerida waxa loogu yeero Jubbaland, balse libinta qofku leeyahay lama xaqiro, Sandheere ayaa waxa uu u muuqdaa nin isadaba qabtay waxa uu ka hadlayna waa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta indhihiisana uu kusoo arkay markuu tagay magaalada Kismaayo, Beesha Sadena ayayna u taalaa inay cafiso ama xukunto maadaama uu sheegay waxa jira ee dhabta ah.

Ex Ambassador Aden Xirsi Ciise (Sandheere), Rag Rag Dhalay Jaalle Runta Aad Sheegtayna Waanu Ku Diirsanay.

Halkaan Hoose Ka Daawo Khudbada Ex Ambassador Sandheer oo la ilmeenaya qiiro darteed iyo waxa ka socda magaalada Kismaayo.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com