R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Wada Qorshe Xilka Looga Qaadayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo xafiiska R/wasaaraha
Soomaaliya Cabdiwali Sheekh qorshe xilka looga qaadayo gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in qorshahan xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo uu kasoo dhamaaday xafiiska R/wasaaraha Cabdiwali Sheekh waxaana la fialyaa dhawaan loo gudbiyo Xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha.

Xog ogaalo u dhuun daloola xafiiska R/wasaare Cabdiwali Sheekh oo u waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in haddii uu R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu ka dhabeeyo qorshahan uu xilka uu uga qaadayo Gudoomiyaha gobolka Gedo uu sababi karo in ay dadka deegaanka gobolka Gedo kalsoonida kala laabanayaa Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn ilaa hadda waqtiga dowladda ay ku dhawaaqi doonto xil ka qaadista Gudoomiyaha gobolka Gedo.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com