Raychelle Omamo “Ciidamadeena kalama baxayno Soomaaliya”.

0

Nairobi (AGGM): Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay inaysan ciidamadooda kala soo bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta lagu guuleysanayo soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Waxay sheegtay in sanadka 2014 uu yahay kii lagu soo afjarayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Inkastoo aysan sheegin tirada haddana waxay caddeysay inay Kenya kordhin doonto tirada askarteeda ka howlgalaya Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa codsi ka yimid AMISOM.

Raychelle Omamo ayaa sidoo kale xustay in aan la joogin markii laga wadahadli lahaa in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in la dardargeliyo howlgallada milateri ee ka dhanka ah argagixisada.

Kenya ayaa ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011, si ay uga hortagto kooxo ay ku tilmaantay argagixiso oo halis ku hayay ammaankeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com