Falaagada Al Shabaab Oo Xayiraad Dhanka Ganacsiga Ah Kusoo Rogay Ceelbuur, Ceelgaras, Ceel la-helay iyo Ceel-qooxle Ee Gobolka Galguduud.

0

Muqdisho (AGGM): Falaagada argagixisada ah ee  Al-Shabaab ayaa ku soo rogtay xayiraad raashin deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Madaxa Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Galgaduud Xasan Yacquub Cali ayaa ku amray gaadiidka raashinka ka keena magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso inaanay tegi karin deegaannada Ceelbuur, Ceelgaras, Ceel la-helay iyo Ceel-qooxle oo dhammaantood ka tirsan gobolka Galgaduud.

Xasan Yacquub ayaa ka hadlayay deegaanka Galhareeri ee isla gobolka Galgaduud.

Deegaannadan ayaa dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM waxay kala wareegeen Al-Shabaab.

Dadka deegaannadan ayaa walaac ka muujiyay tallaabada kooxda Al-Shabaab ay xayiraadda ganacsiga ugu soo rogtay deegaannadooda, tallaabadaas oo sababi karta xaalad bini’aadannimo oo halis ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com