Dhageyso:Maraykanka oo ka digay weerar Al-Shabab ka geysto wadanka Burundi

0

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxay dadkeedsa uga digtay inay safaro ku tagaan wadanka Burundi oo ka mid ah wadamada ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan waxaana ay u sababaysay in Xarakadda Al-Shabab ay diyaariyeen weeraro ay dalkaasi ku qaadaan.

Warkaan waxaa lagu sheegay in xog ay hayaan sheegeyso inay diyaariyeen weeraro ay ku qaadaan goobo muhiim ah oo ku yaala dalka Burundi oo ay halis kasoo socoto sida warkaan lagu yiri.

Wargeyska New York Times ayaa qoray asagoo soo xiganaya warka kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka in xukuumadda Washington ay wa wal badan ka qabto xilligaan amaanka wadanka Burundi.

Dadka u dhashay Maraykanka ee Burundi jooga ayaa loo jeediyay inay deg deg ula xiriiraan safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay dalka Burundi si amaankooda loola socdo.

Maraykanku dhawr jeer ayuu ka digay in Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan ay weeraraan dalalka Soomaaliya dariska la ah ama xataa ay ciidamadu ka joogaan.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com