Daawo Sawirada: Golaha Wasiirada oo ka shiray amniga, howlgalada iyo gargaar la gaarsiinayo gobolada.

0

Muqdisho,(AGGM): Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga dalka, howlgalada ciidamada wadajira ay ka wadaan gobolada dalka, xeerka isgaarsiinta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta, xeer hoosaadka golaha Wasiirada iyo gurmad deg deg ah oo loo fidinayo qeybo ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaana kuwa laga xoreeyey kooxaha Shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble oo gabagabadii kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in goluhu ugu horeyn ay dhegeysteen warbixin Wasaaradda Amniga Qaranka soona bandhigtay inuu jiro horumar laga gaaray sugida amniga, todobaadkii horena ay Wasaaradu gacanta ku dhigtay horjoogayaal baxsad ah oo ka tirsan nabadiidka Shabaab, kuwaasoo si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa qeybo ka tirsan Muqdisho iyo degaanada ciidanku kala wareegeen.

Intaasi kadib, Wasiir kuxigeenku waxa uu sheegay in Goluhu ka hadleen qaabka farsamo ee loo gaarsiinayo gobolada dalka gurmad ay xukuumadu u fidineyso dadka ku dhaqan degaanada laga saaray Shabaabka, wuxuuna cadeeyey in gurmadkii ugu horeeyey loo diray maanta gobolka Sh/hoose iyo gobolka Bay gaar ahaana degmooyinka Qoryooley, Buurhakaba iyo Baydhabo. Isaga oo xusay in dhamaan la gaarsiinayo maalmaha soo socda degaanada kale.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta waxa uu sheegay in laga dooday xeerka Isgaarsiinta, dibna loo dhigay kulanka dambe, sidoo kale laga dooday xeer hoosaadka golaha Wasiirada laguna kordhiyay qodobo kuwa kalena laga dhimnay, dibna loo dhigay tan iyo kulanka dambe.

IMG_6802 IMG_6798

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com