Shirkada Horn Africa Group oo sharaxaysa qaabka uu u dhacayo Bandhiga Mogadisho International Trade Show M.I.T.S.

0

Shirkada Horn Africa Group waxaay 22 ila 23 April Magaalada Muqdisho ku qabanaysa Bandhiga ganacsiyeed Caalami ah waxana Bandhigaasi aanu ugu magac darnay Mogadisho International Trade Show (MITS)

Kadib marki aanu shaacinay in Mogdisho International Trade Show (MITS) uu ka dhacayo Caasimada Somalia ee Muqdisho waxaa si xowli ah u socda Shirkadaha isku diwaan galinaya in ay ka qayb qadanayaan Mogadisho International Trade Show waxaana ila iyo hada is diwaan galiyay shirkado aad u badan.

Shirkadaha Is diwaan galiyay ee ka soo qayb galaya Mogadisho International Trade Show (MITS) ayaa waxaay iskugu jiraan Shirkadaha Isgarsiinta Somalia, Shirkadaha Xawaaladaha Somalia , Shirkadaha Diyaaradaha Somalia, Warshado kala duwan oo soo saara Kaluunka Gasacadaysan, iyo alabaha kale ee dalka lagu sameeyo.

Guud ahaan Shirkadaha ka soo qayb galaya Bandhigaani waxaay ka kala imanayaan Somaliland, Puntland, Konfurta iyo Bartamaha Somalia iyo Shirkado aan somali ahayn oo heer calami ah kana kala imanaya wado kala duwan.

ganacsi

Diwaan galinta waxa ay ku egtahay 15 bisha April oo noqon doonta maalinta ugu danbaysa ee laga gudomi doono Shirkadaha kala duwan ee ka soo qayb galaya Mogadisho International Trade Show (MITS) codsiyadooda ku sabsan in ay ka soo qayb galan bandhigan.

Qaabka Is diwaangalinta

Shirkada rabta in ay ka qayb qaadato bandhiga (MITS) waxaay ay Faafaahin shirkadoda iyo waxaa ay qabato ku sabsan u soo diraysan Emailka Shirkada oo ah Hornafricagroup@gmail.com waxaay sido kale lacagta Fee ga ah ama Lacagta Is diwaangalinta ah ku shubaysa Acountiga Shirkadu ay ku leedahay Bank Dahab Shiil ee sumadiisu ay tahay (ACC 2042 Berbera Horn African) waxaad racinaysa Shirakadada Magaceeda oo dhamaytiran iyo magaca qofka masulka ka ah….

Qaabka ay wax u dhacayaan iyo Jadwalba

22 April waxa si rasmi ah u furmaya Mogadisho International Trade Show (MITS) waxaa barnamijka maalintaasi uu ku bilabanaya Ayadaha quranka Qariimka ah ka dib waxaa la guda galaya Khudbado koban oo ay soo jeedin doonan Masuliyiin kala duwan oo lagu marti qaday Furitaanka Mogdisho International Trade Show (MITS) iyo qaar ka mid ah Masuliyiinta Shirkadaha waaweyn ee Somalia.

Intaas ka dib waxaa la guda galaya Bandhigii Rasmiga aha waxaa Shirkada kasta oo is diwaan galisay la siinaya goob ay ku soo bandhigato ganacsigeeda ayado sido kale dadweynaha u soo adegtagaya Bandhigaan lo fasixi doono in ay gudaha soo galan oo ay ka adegtaan alabaha casriga ah ee qimaha jaban ee lagu soo bandhigi doono Bandhiga Mogadisho International Trade Show (MITS)

Maalinta labaad ee Mogadisho International Trade Show (MITS) ayaa ayadana ku bilaaban doonta Khudbado ay jeedin doonan Shirkadaha kala duwan ee ka soo qayb galaya Mogadisho International Trade Show (MITS) intaasi ka dib waxaa la guda galaya bandhiga Rasmiga ah ayado Shirkad kasta ay helayso goobti ay ku soo bandhigi lahayd ganacsigeeda.

Saacado kadib isla 23 bisha April waxaa ka soo qayb galayaasha la siin doonan fursado ay isku bartaan islammarkana ay telefoonada iskaga qortaan ganacsatada ka imanaysa Dibada kuwa ka imanaya Gobolada sida Puntland iyo Somaliland iyo waliba Ganacsatada Muqdisho.

Intaasi ka dib waxaa la guda galaya Siminaar kooban oo ku sabsan sida ugu haboon ee ganacsiga Somalia uu ula jan qaadi karo ganacsiga calamka iyo heerarka u soo maray ganacsiga calamka iyo halka uu hada tagan yahay iyo waliba heerka ay Somalia uga jirto ganacsiga calamka.

Siminaarkaasi waxaa bixin doona khuburo ku taqasuustay ganacsiga caalamka waxana uu noqon doona siminar wax badan ka badala qaabka ay u shaqeeyaan ganacsatada Somalia.

Siminaar kaas ka dib waxaa bilaaban doona khudbado lagu soo xirayo Bandhiga Mogadisho International Trade Show (MITS) oo ah Bandhig ganacsiyeedkii ugu horeyay ee Muqdisho lagu qabto 23 sano oo burbur ah ka dib.

Faaidoyinka uu Bandhigan u leeyahay Shirkadaha Somaliyeed

Shirkada ka soo qayb gasha Mogadisho International Trade Show (MITS) waxaay ka heli karta Faidoyinkaan soo socda.

1- Alaabaha Shirkadu ay ku soo bandhigto Carwadan oo la gadan doono

2- Xiriir ganacsi oo aad la sameyn karto ganacsatada ka imanaysa Gobolada Somalia si uu iskaashi idin dhex maro.

3- Xiriir aad la samaynayso Shirkadaha Caalamiga ah ee ka soo qayb gali doona Bandhigaan kuwaas oo aad u kala faidi kartaan siyaaalo kala duwan.

4- Baahin lacag la,aan ah oo aad helidoonto waxaana ganacsigaga laga dawan doona dunida Dacaladeeda inta ay socoto Carwadan.

5- Aqoon kororsi ku sabsan dhanka ganacsiga oo aad heli doonto kaas oo ay bixin doonan khuburo ku taqasuusay ganacsiga calamka waxana laga yaaba in Siminarkaasi uu wax weyn ka badalo qaabka aad u ganacsato faa,idoyinkaas iyo kuwa kale oo badan ayaad heli doonta hadi aad Shirkadada ka diwaan galiso Bandhiga Caalamiga ah ee Mogdisho International Trade Show (MITS)

Bandhigaan waxaa ka soo qayb galaya oo ku marti qaadan Saxaafada Calamka iyo mida maxaliga ah waxaana Shirkada Horn Africa Group ay guud ahan Shirkadaha ka soo qayb galaya Bandhiganii ay fursad u siin doonta in ay Ganacsigooda laga daawado dunida dacaladeeda.

 

—- DHAMAAD—

 

Maamulka Shirkada Hornafrica Group LTD

Website : Hornafricagroup.com

Email : Hornafricagroup@gmail.com

Telefoon: 00252618475067

————- 00252617234111

————- 00252699968111

————-+31684020686

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com