Dawlada Itoobiya oo sheegtay inay ciidamo utababarayaan Dawlada Somaliya

0

Muqdisho(AGGM):Safiirka Ethiopia Somalia Ndimo Osamenyu ayaa xaqiijiyay in wadciga Somalia hada uu yahay mid heer sare ah tan iyo markii ay ciidamada Ethiopia kusoo biireen ciidamada AMISOM.

Hadalka safiirka waxaa soo xiganaya Walt oo ah xarunta dhanka warfaafinta Ethiopia, Ndimo Osamenyu ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay Al-shabaab degaano iyo magaalooyin istiraatiiji ah ay ka saaren.

“Waxaan shaki ku jirin in Al-shabaab maalinba maalinta ka sii dambeeysa ay awoodeeda hoos u dhaceyso,Ethiopia ciidameda waxa ay soo dhaweeyn ay kala kulmayaan shacabka Somalia”sidaasi waxaa yiri Ndimo Osamenyu.

Ugu dambeentii safiirka ayaa shaaca ka qaaday in ay cidamadooda tababaro siin doonan kuwa ciidama amaanka Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com