Booliska Kenya Oo Soo Qab Qabtay 627 Ruux Oo Ka Mid Ah Soomaalida Dagan Xaafada Islii.

0

Nairobi (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ayaa sheegaya in halkaas maanya laga sameeyay howgalo lagu qabtay in ka ka badan 627 qof oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxyo xaley ka dhacay Xaafada Islii

Howlgalka ayaa billowday kaddib markii qaraxyo xaley fiidkii ay ka dhaceen xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida Kenya, waxaana kudhimatay lix qof, dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacantay.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku oo saxaafada la hadlay intii howgalka uu socda ayaa sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka xaafadda Eastleigh, uuna socon doono ilaa laga soo qaban doono kuwa geystay weerarka qaraxyada.

Ole Lenku ayaa ka codsaday dadka ku nool Nairobi inay booliska ka caawiyaan sugidda ammaanka iyo soo sheegidda cid kasta oo lagu tuhmayo inay wax u dhimeyso nabadgelyada

Dadka la xiray ayaa la geeyay xabsiga Bangaani oo ku yaalla Nairobi, qarixii xaley waxaa ka horeeyay qarax kale oo Axadii la soo dhaafay ka dhacay Xaafada Islii waxaana la sheegay in uu ku dhintay qofkii watay.

Balse dadka deggan Islii qaarkood oo aan la xiriiray waxay sheegayaan in boliisku ay lacago uruursanayaan halka ay amaanka sugi lahaayeen.

Dadka dhintay ayaa ku sugnaa mid ka mid ah maqaayadaha, sida uu sheegay madaxa ciidamada ammaanka ee Nairobi, Benson Kibue.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxyadaasi is xig xigay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com